Muxuu yahay sharciga ay Somaliland u riyaaqday ee uu ansixiyay Aqalka Koongareeska Mareykanka?

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa soo dhawaysay hindise sharciyeed uu meel mariyay Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Xeerkan oo ah Qorshaha Difaaca ee Mareyknaka uu ku howlgalayo sanadka 2023-ka ayaa horseedi in uu iskaashi dhinacyo badan leh dhex maro dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Baarlamaanka Mareykanka uu aqoonsaday istiraatiijiyadda ay leedahay Somaliland.

Bayaan ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in ay si wayn ugu riyaaqsan tahay hindise sharciyeedkaas lagu meel mariyay Koongareeska.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u riyaaqday tallaabada uu Golaha Wakiillada Mareykanka ku ansixiyay sharci looga codsanayo wasaaradda arrimaha dibadda in ay daraasayn ku samayso xogna kasoo gudbiso arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayay sidoo kale wasaaraddu kusoo dhawaysay horumarka laga sameeyay isu soo dhawaanshaha Mareykanka iyo Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si aad uga mahad naqaysaa sida ay Aqalka Wakiillada Mareyknaka uga go’an tahay in la xoojiyo wadashaqeynta Mareyknaka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri.

Muxuu yahay sharcigan?

27-kii bishii May ee sanadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington.

Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.

Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Nancy Pelosi.

Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay ayaa ah in karaaniga uu saxo qodobaynta xeerka, hab qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee ee muhiimka ah.

Guddiga Adeegyada hubaysan ee Congress-ka Mareyakanka, oo magaciisa loo soo gaabiyo “HASC” ayaa hagayay xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray.

Waxa ay guddigu sidoo kale Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka ka codsadeen in ay talooyin ka bixiso sidii loo ballaarin lahaa wadashaqaynta amni ee Somaliland iyo sida ay suuragal u tahay inay Mareykanka ka caawiso ujeeddooyinkiisa militeri ee Geeska Afrika iyo gobolka ku teedsan Badda Cas.

Mareykanka ayaa talis militeri oo baaxad wayn ku leh Afrika, howlaha ugu waawayn ee ay fuliyaanna waxaa ka mid ah la dagaallanka Argagixisada.