Askar Masaari ah oo nolasha lagu aasay

0

Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay beerta dalxiiska ee ku taallo deegaanka Lahran oo ka tirsan galbeedka magaalada Quddus iney ku yaalliin qabuuro 55 sana ka hor lagu aasay askar Masaari ah.

Xogtan inta ay warbaahintu shaacin ka hor waxaa beertaasi dhulka weyn ku fadhida loo yaqaannay oo keli ah iney tahay beer dalxiiska looga talo galay.

Balse waxaa soo ifbaxday dhulka ay beertaasi ku fadhido qabuuro askar Masaari ah lagu aasay inay ku yaalliin.

Wariyaha reer Israa’iil Yossi Melman ayaa xogta qaburahan shaaca ka qaaday kaddib marki uu in mudda ah uu baaritaan waday.

Yossi wuxuu BBC-da u sheegay baaritaanka qabuuraha askarta Masaarida la xiriirta sanada badan inuu waday, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ay u diideen inuu baahiyo xogta arrintaasi inkasta oo ay markii dambe u oggolaadeen.

Xog laga helay militariga Israa’iilna waxay sheegeysaa in askarta Masaarida 55 sana ka hor halkan lagu aasay, ciidamadaasi oo isugu jira kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa noolasha lagu aasay ama lagu gubay.

Yossi waxaa kale uu sheegay ciidamada Masaarida ee beertaa ku aasan iney kor u dhaafayaan 80 askari oo ka qayb qaatay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil dhexmaray 1967-kii.

20 ka mid ah askartaasina noolasha ayaa lagu aasay sida ay caddeynayaan xogta askartaasi ku saabsan oo uu wariyaha reer Israa’iil soo uruuriyey.

„Cidamada Israa’iil marki ay ciidamada Masaarida dileen kaddib waxay ku aaseen goob qarsoodi ah oo ay dadku ka warhayn, goobtan ay ku aaseenna waxay u doorteen maadaamaa ay xilligaasi ahayd goob cidla ah oo xerada ciidamada Israa’iil aan ka fogeen“ ayuu yiri wariye Yossi Melman.

Xogta aan ka helay ciidmada Israa’iil waxay muujineysaa qaar ka mid ah ciidamada Masaarida in dagaalka lagu qabtay, qaarna ay si geesinimo u leh u dagaallameen ilaa ay ka dhinteen, qarna noolasha lagu qabtay,” ayuu yiri.

Ze’ev Bloh oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Israa’iil oo dhacdadaasi goob joog u ahaa wuxuu sheegay dagaalkii ciidamada Israa’iil iyo Masar ku dhex maray aagga Latrun maalinki uu dhammaaday malinti ku xigtay in ciidamada Masaarida qabri weyn cagaf loogu qoday kaddibna lagu aasay.

Melman iyo Bloch labaduba waxay ku andacoonayaan in sababta ay sheekada u daah-fureen ay tahay in ay dadka ogaadaan in ay jiraan askar meesha lagu aasay iyada oo aan la aqoonsan haybtooda ama aan qabrigooda wax astaan ah loo yeelin.

Sarreeya Guuto Mukhtaar Al-Far oo ka mid ah saraakiishi hoggaaminayey ciidamadi Masar ee Israa’iil la dagaallamay 1967-kii wuxuu sheegay xilliga uu dhammaaday dagaalka kaddib inuu maqlay xog ku saabsan Israa’iil ciidamada ay Masar ka qabatay iney leysay kun aastay deegaan ku yaalla Latrun.