Hoggaamiyaha sare ee Taliban oo ku sugan gudaha Afghaanistaan ayaa arrimo dhowr ah ku sheegay farriin uu soo diray oo qayb ka mid ah uu ugu talogalay munaasabadda ciidda ee foodda nagu soo haysa.

Farriinta Mullah Hibatullah Akhunzada ayaa u muuqata mid xoogaa yar ka dabacsan sidii hore, isagoo sheegay in Afghanistan aysan khatar amni ku ahayn waddamada deriska la ah iyo dalalka kale ee gobolka.
Waxa xaqiijiyay in aysan cidna ku qabsan doonin ciiddooda, isagoo waddamada kale ugu baaqay in ay iyaguna sidaas oo kale sameeyaan.
Kulan uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha diinta ayuu ku dalbaday in waddamada adduunka ka fogaadaan farogelinta arrimaha gaarka u ah Afghanistan.
“Ma jirto cid aan wadahadal la galay,” ayuu ku yiri khudbadda uu culimada u jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.
“Adduunku ma doonayo in dowladda Afghanistan ay iskeed isku maamusho,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Balse farriintiisa uu ugu talo galay munaasabadda Ciidul-Adxa ayuu ku sheegay hadallo muujinaya in uu mowqifkiisa ka duwan yahay sidii horay loogu yaqaannay.
Maxay tahay farriinta uu u diray Mareykanka?
Mullah Hibatullah Akhunzada ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka inteeda kale in ay xiriir diblomaasiyadeed oo xoog leh iyo wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah la yeeshaan Afghanistan.
Waxa uu sheegay in arrintaas ay tahay mid ay dan ugu jirto cid walba, haddii ay ahaan lahayd dowladda Afghanistan iyo Mareykanka intaba.
Hoggaamiyaha sare ee Taliban ayaa sidoo kale farriintiisa codsi ugu diray shacabka reer Afghanistan, oo uu waydiistay in qof walba uu ka qayb qaato dib u dhiska dalka.
“Ma jirto cid ay cadaawad gaar ah nagala dhaxeysa,” ayuu yiri Hibatullah.

Mas’uulka ugu sarreeya kooxda Taliban ee maamusha Afghanistan ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xiriirta shakhsiyaadka reer Afghanistan ee dib ugu laabanaya waddankooda.
Waxa uu dalbaday in dadaal dheeraad ah loo galo difaacidda nolosha, hantida iyo sharafta dadka reer Afghanistan ee dib usoo noqonaya.
Hadalkan ayaa u muuqda mid uu meesha uga saarayo casida ay dad badan ka muujinayeen inay ku laabtaan Afghanistan, wixii ka dmabeeyay markii ay xukunka la wareegeen kooxda Afghanistan, bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.
Hibatullah ayaa sheegay in munaasabaddii ciidul-fitriga ee sanadkan loo dabaaldagay xilli 20 sano kaddib uu guud ahaan waddanka Afghanistan ku jiro gacantiisa.
“Qaranka oo dhan wuxuu ku nool yahay nabad iyo walaalnimo,” ayuu yiri.
Arrimaha uu hadda diiradda saarayo ayuu sheegay in ay ka mid yihiin “xaqiijinta amniga, mashaariicda horumarinta iyo dhaqan gelinta shareecada Islaamka.”
Qaybta dambe ee farriintiisa ayuu hoggaamiyaha Taliban ku codsaday in xoogagga Taliban ay difaacaan hantida qaranka, gaar ahaan gaadiidka militeriga, hubka iyo dhismeyaasha dowladda.
















