Toogasho: Sidee u dhacay weerarkii lagu qaaday xalay magaalada ugu nabdoon adduunk?

0

Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn dalka Denmark, halka kuwa kalena uu dhaawacay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

Taliyaha bilayska Soeren Thomassen ayaa sheegay in ujeedka weerarka aanu caddayn, isla markaana aanu meesha ka saari karin in ficilkaani uu yahay “fal argagixiso”.

Raiisel wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah.

Waxay tacsi u dirtay ehellada dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay,iyadoo ugu baaqaday dadka dalka Denmark, in ay midoobaan ayna is taageeraan xilligana adage e lagu jiro.

“Denmark waxaa ka dhacay weerar naxariis darro ah,” ayay tiri.

“Caasimadeena quruxda badan oo badanaa aad u nabdoon ayaa lagu bedelay ilbiriqsiyo,” ayay raacisay hadalkeeda.

Qoyska boqortooyada Denmark ayaa sheegay inay aad uga damqadeen “Dadkii ku dhintay, qaraabadooda iyo dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey”.

“Weli si buuxda uma naqaano dhibaatada dhacday, balse waxaa muuqata in dad badan ay naftooda ku waayeen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qoyska boqortooyada.

Eedeysanaha weerarkan suuqa laga dukaameysto ka dhacay ayaa markii la xiray waxa uu haystay qori iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkaan lagu eedaynayo inuu weerarka gaystay ayaa sidoo kale booliisku ku tilmaameen nin “Danish ah” waxaana uu wajihi doonaa su’aalo maanta oo isniin ah .

Booliisku waxay sheegeen inaysan haynin wax calaamad ah oo muujinaya in kooxo kale ay ku lug lahaayeen weerarka ka dhacay, waxayna ku booriyeen milkiilayaasha dukaamada inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falkaan oo laga yabao in ay hayaan.

 

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 isugu jira dukaamo iyo makhaayado.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in cabsi ay soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay suuqa,xilligii weerarku uu dhacayay.

Mid ka mid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Isabelle ayaa u sheegtay warbaahinta Denmark: “Si lama filaan ah ayaanu u maqalnay rasaas, waxaan filayaa in aan maqlay toban xabbadood, ka dibna aan ku dhex cararnay suuqa, waxa aanu ku dhuumanay suuli, halkaas oo aanu isugu nimid dad gaaraya 11 qof”.

 Wax yar ka dib toogashada, qoyska boqortooyada Denmark ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay xaflad soo dhaweyn ah oo uu qaban lahaa Amiir Frederik. Qaar ka mid ah hoggaamiyasha dalalka deriska la ah Denmarka ayaa cambaareyay werarka , waxayna tacsi u direen qoysaska dadkii wax ku noqday.