Haweeney ninkeeda uga tagtay mataana badan oo uu ka dhalay darteed

0

Ayopo Ogunleye oo ah aabbe dhalay shan mataana oo xiriir ah ayaa noqday nin sheekadiisa si weyn looga hadal hayo galbeedka Nigeria.

 

Wuxuuna BBC Youruba u sheegay carruurta mataanaha ee tirada badan inuu isaga keli ah dhalin oo xaaskiisa ay wada dhaleen.

Ninkan oo hadda ku nool deegaanka Ado-odo oo ka tirsan gobolka Ogun carruurtaasi mataanaha ah keligii ayaa korsanaya kadib markii ay xaaskiisa uga tagtay inuu carruur badan oo mataana ah ka dhalay.

Xaaska ninkan oo ka warrantay sababta ay ninkeda furriin uga dalbatay ugana tagtay sanad ka hor ayaa sheegtay ‘waaliddiinteeda iney ka cawdeen mataanaha badan ee ay marweliba dhaleyso.’

Lammanahan waxay dhaleen 10 carruur oo mataana laba laba u dhashay ah, inkasta oo 3 ka mid ah carruurtaasi ay ka dhinteen.

Ayopo oo 40 jir ah wuxuu haatan keligii korsanayaa 7 carruur oo mataana ah.

Ogunleye wuxuu sheegay markii ugu horreysay oo ay xaaskiisa uur qaadday ma fileyn iney mataano dhaleyso.

Balse wuxuu ogaaday markii isbitaalka looga yeeray oo loo sheegay xaaskiisa iney mataano siddo aadna uu ula yaabay.

 

“Markii aan maqlay xaaskeyga iney umushay, waxaan weydiiyey iney wiilal ama gabdho yihiin, waxayna ii sheegeen iney ii dhasheen laba wiil oo mataana ah.”

Wuxuuna sheegay iney isagu farxad u ahayd uuna helay wax uu in mudda ah uu ku hamminayey.

“Tani iyo carruurnimadeyda ayaan mataano ilaahey ka baryi jiray, Ilaaheyna waan uga mahad celiyey. Xaaskeyga ayaan laabta geliyey ilmaha mataanaha uu ilaahey nagu deeqayna waan ugu hambalyeeyey.”

Qowmiyadda Yuruba oo degta galbeedka Nigeria, ayaa ka mid ah bulshooyinka dhala mataanaha ugu badan caalamka.

Afka Yoruba waxaa mataanaha loogu yeeraa “Ibeji” dhaqan ahaanna bulshadaas dhexdeeda waxaa laga jecel yahay ilmaha ugu horreeya haddii ay yihiin mataano inuu kan xigo noqdo ilma aan mataana ahayn loona yaqaanno “Idowu”.

Ogunleye wuxuu sheegay markasta oo ay xaaskiisa uur qaaddaba iney mataano qaadeysay.

“Markii labaad, marki seddexaad, markii afaraad iyo markii shanaadba, mataano ayey dhashay,” ayuu yiri.

Sababta ilmaha u dhalanaya oo dhan ay mataano u noqonayaan waxay Ogunleye ku ahayd sir isaga ka qarsoon oo ilaahey u hibeeyey. Balse wax gaar ah uu sameeyey ama cunto gaar ah uu u cunay si uu mataana u dhalo ma jirin.

Caqabado nololeed oo dhanka dhaqaalaha oo soo wajahay iyo mas’uuliyadda korinta carruurta oo dusha ka fuushay darteed ma jecleysan inuu markale guursado maadaamaa ay xaaskiisa ka tagtay.

“Carruurtu waa hibo ilaahey uu bixiyo,” ayuu yiri Ayopo Ogunleye .