Lacagta lagu raaco Basaska rakaabka Gudaha Hargeysa oo sare u kacay

0
Hargeysa Qiimaha lagu raaco basaska rakaabka ee gudaha xaafadaha magaalada ayaa sare u kacay.
Kor ukacan ayaa ku kooban basaska u baxa xaafado gaar ah, iyadoo dirawaladu ay macaamiishooda u sheegayaan in ay iska bixiyaan 3,000 Somaliland Shilling.
Basaska xaafadaha qaar u kala baxa ayaa wali ah 2500 Somaliland shilling, taas oo aanay wali ka hadal Xukuumaddu.