Siyaasi ka tirsan xisbiga dowladda Kenya oo Soomaalida ka raalligeliyay arrin laga carooday

0

Murashaxa xilka Barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday in uu raalligelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi.

Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah in uu shakhsiyaad farta ku fiiqayay.

Siyaasigan oo sharraxayay waxa uu horay u yiri ayaa sheegay in uu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka Nairobi.

Muxuu yahay hadalka laga carooday?

 

Raalligelinka Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.

Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid “hayb soocaya Soomaalida”.

“Qabyaaladda sida xishood la’aanta ah loo dhex dabaalanayo waa arrin nasiib darro ah. Waa wax aad looga naxo oo ka yimid qof sheeganaya in uu wax bartay,” ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.

Igathe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee u hanqal taagaya hoggaanka Nairobi ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii ay dhammaan reer Nairobi u heli lahaayeen fursado ay u siman yihiin.

Doorashada guud ee Kenya ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha August ee sanadkan