Daraasad lagu ogaaday in guurka uu caafimaad ku jiro

0

Baaritaan dalka Britain laga sameeyey ayaa sheegaysa in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.

Daraasad oo mudo 13 sano wax ka badan la waday ayaa amuurtani lagu ogaaday.

Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su’aalo la weydiiyey.

Dadkan su’aalaha la weydiiyey ayaa qabbay xanuuno xiriir la leh cudurada wadnaha ku dhaca.

Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka nolol dheer yihiin kuwa aan guursan.

Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.

Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.