Mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow oo Ukraine lagu dilay iyo wasiirka arimaha dibada ruushka oo loo diiday hawada wadamo yurub ah

0

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo baajiyay safarkiisa kadib tallaabo ay qaadeen waddamo ka tirsaan NATO

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa dalka Serbia.

Saraakiishu Ruushka ayaa sheegay in dhowr waddan ay ka hor istaageen diyaaradiisa in ay soo marto hawadooda iyaga oo diiday in ay oggolaadaan.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya afhayeenka wasaarada Maria Zakharova ayaa yiri: “Wafdiga Ruushka waxay ahayd inay Belgrade u yimaadaan wadahadal, laakiin Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah NATO ayaa xidhay hawadooda.”

Lavrov ayaa sheegay in uu hadda ku casuumi doono dhiggiisa Serbia Nikola Selakovic in uu ku soo booqdo Moscow, isaga oo intaa ku daray: “Ma jirto cid awood u leh in ay burburiso xiriirka aan laleenahay Serbia”.

Mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow oo Ukraine lagu dilay

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan.

Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.