Somaliland iyo Taiwan: Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen?

0

Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxiixxday heshiis iskaashi oo la xidhiidha Shidaalka iyo Macdanta.

Heshiiska laba geesoodka ee ay Somaliland iyo Taiwan wada galeen ayaa ah mid lagu tirakoobayo xaddiga macdanta iyo shidaalka ah ee ku jira Somaliland, in la dhiso bangi lagu kaydiyo macluumaadka macdanta iyo caawimooyin kale oo ay Taiwan ka siinayso Somaliland ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la oggaado macdanta ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland nooceeda, caddadkeeda, meelaha ay ku jirto iyo qiimaha ay lacag ahaan ku fadhido. In la inoo sameeyo bangi macluumaadka iyo xogta macdanta iyo tamarta aan ku kaydino oo casri ah ama digital ah” ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji.

Waxaa kale oo ay labada dhinac ku heshiiyeen in Somaliland loo fududeeyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo in la wajaho caqabad kasta oo ka hor imanaysa, iyo in kor loo qaado oo la taageero sidii Somaliland uga faa’iidaysan lahayd macdanta iyo shidaalka.

Mas’uuliyiinta Somaliland waxay Taiwan u sheegeen iney fursado waaweyn oo uu shidaalka ka mid yahay ay Somaliland ka jiraan, maamulkuna diyaar u yahay soo saarista iyo iib geynta shidaalkaasi.

Somaliland iyo Taiwan wadahadalladodda

Wadahadallada iyo xiriirka dhexmaray labada dhinac waxa ay welwel badan ku abuurtay dowladda Shiinaha oo jawaab kulul ka soo saartay wefti booqasho ku tagay Taiwan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yiraahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay “isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale”

Somaliland oo dhegaha ka fureysatay dhawaaqyada ka soo yeeraya Shiinaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibedda waxa uu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee ay dowladda Taiwan ka sameyn karto Somaliland.

“Somaliland waxay leedahay fursado maal-gashi weyn oo lagu samayn karo kaydka shidaalka iyo gaaska aan weli laga faa’iidaysan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda oo la hadlayay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa intaasi ku daray in deegaannada Somaliland sidoo kale ay leedahay macdan laga faaideysan karo.

“Dhinaca macdanta Somaliland waxa ay leedahay fursado maalgashi aad u weyn oo ay ka mid yihiin kaydka, Saliidda iyo Gaaska iyo sidoo kale dhuxusha oo si fudud loo sahamin karo,” ayuu yiri.

Madaxwaynaha jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen ayaa dhankeeda sheegtay in Taiwan ay muhiimad gaar ah u leedahay Somaliland.

“Somaliland hadda waa goob muhiim ah oo ku taal Bariga Afrika oo ah mashruuca Taiwan ee Afrika,” ayay tiri Mrs Tsai.

Taiwan ayaa xoogga saaraysay sanooyiinkii u dambeeyay xiriir dublamaasiyadeed oo ay la yeelato dalalka qaaradda Afrika, iyadoo Eswatini oo kaliya ay hadda xiriir buuxa la leedahay jasiiradda.

Shiinaha ayaa cadaadis ku saaray dalalka in aysan la xiriirin Taiwan maadaamaa ay tahay qeyb ka mid ah dhul waynaha Shiinaha.

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin oo ay ku yeelatay geeska Afrika.

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa laba maamul oo aan la aqoonsaneyn. Sannadkii 2020-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo labada dhinac ay xiriir wada sameeyaan.

Taiwan ayaa bishii August 2020, safaarad ka furatay Magaalada Hargeysa halka Somaliland ay 9-kii September ee isla sanadkaas ay magaalada Taipei ka furteen xafiis matalaad.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ka dib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii. Balse tan iyo xilligaasi Somaliland ma aysan helin wax aqoonsi ah.

Haddaba, Maxay tahay Taiwan?

Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeri lahaa – dal mise gobolka k tirsan Shiinaha.

Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii “xoog loo adeegsanaayo”.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong.

Soomaliland iyo Soomaaliya

  • Somaliland oo ka xorowday gumeystihii Ingiriiska ayaa ku biirtay Soomaaliya inteeda kale 1dii Luulyo 1960
  • Waxay ku dhawaaqday xornimo kaddib markii 1991-kii xukunka laga tuuray madaxweynihii dowladdii Soomaaliya, Madaxmed Siyaad Barre
  • Tani waxay timid ka dib iska horimaad ay ku dhinteen tobanaan kun isla markaana magaalooyin dhulka lagu daray
  • Somaliland waxay leedahay nidaam siyaasadeed oo shaqeeya, hay’ado dawladeed, ciidan boolis iyo lacag u gaar ah

Taiwan iyo Shiinaha

  • Shiinaha iyo Taiwan waxay dawlado kala duwan lahaayeen tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha 1949
  • Xiisadaha ayaa kordhay sanadihii la soo dhaafay, Beijing-na kama aysan saarin adeegsiga xoogga si jasiiradda dib loogu celiyo maamulka dhul weynaha Shiinaha
  • In kasta oo Taiwan ay aqoonsi ka heshay waddamo fara ku tiris ah, haddana dowladdeeda si dimoqraaddiga ah loo soo doortay waxay xiriir ganacsi iyo mid aan rasmi ahayn la leedahay dalal badan.