Fanankii dawaarlaha ahaa marna iibin jiray muqumada, muxuu ku danbeeyay

0

Hobolka caanka ah ee Caabi Mire Dacar, lana dhashay fannaankii caan baxay ee Shay Mire Dacar, ayaa ka hor intii uusan soo galin fanka waxaa uu soo maray xirfado kala duwan kuwaas oo qaarna uu ku macaashay, qaarna uu ku khasaaray.

Muddo ku siman 12-sano waxaa uu ku shaqeysan jiray, Harqaanle ama Dawaarle, taasi oo markii hore uu ku bilaabay qaab shaqaalanimo ah illaa uu isagu noqday hantiile leh harqaan.

Taasi waa tan kaliya ee uu ku macaashay oo sida uu sheegay waxaa uu ka gatay jago, am boos, oo ay ka dhismi karaan ugu yaraan shan qol.Laakiin xirfado kale oo uu ku khasaaray ayuu noo sheegay, oo mar uu isku dayey xirfad badi raga Soomaalida aanay ka gancsanayn qabashadeeda, waa muqmad/oodkac iibinta, iyo subagga, taas oo aheyd shaqo uu beri ka shaqayn jiray, balse uu ku khasaaray.