Maxbuuskii iyo askariyaddii wada baxsaday ee xiriirka jacayl ka dhaxeeyay oo musiibo la soo daristay

0

Haweeney ka mid ahayd ilaalada xabsiga oo la baxsatay nin looga shakisan yahay inuu dil ka geystay xabsi ku yaalla Alabama ayaa geeriyootay ka dib markii ay is-toogatay ka dib markii labadooduba la qabtay, sida ay booliisku sheegeen.

Vicky White, oo 58 jir ah, ayaa ku dhimatay cusbitaalka ka dib markii iyada iyo Casey White oo 38 jir ah, lagu xidhay.

Labadu waxay ka baxsadeen xabsi ku yaal Degmada Lauderdale 29kii Abriil.

Waxaa la rumeysan yahay inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyay. Vicki ayaa sheegtay inay maxbuuska u waddo xarun caafimaad oo lagula socdo xaaladaha dhimirka, hase yeeshee, saraakiisha ayaa dib ka ogaaday in aysan arrintaas ku jirin qorshaha xarunta ee ballamaha.

Gelinkii dambe ee Isniinta, Xafiiska Baarayaasha Degmada Vanderburgh ayaa xaqiijiyay in Vicky White ay ku dhimatay isbitaal maxalli ah ka dib markii ay is-toogtay intii la xirayay.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhimashadeeda ayaa la filayaa in la soo saaro Talaadada ka dib markii la baaray meydkeeda.

Haweeneyda askariga ah ayaa la shaqeyneysay waaxda ilaaladaha maxaabiista muddo 25 sano ah, waxay ahayd kaaliyaha agaasimaha, qeyb ka mid ah shaqadeedana waxay ahayd inay isku dubbariddo gaadiidka maxaabiista lagu geeyo maxkamadaha.

Arrin iska caadi ah ma aha in qof dacwado waaweyn loo haysto uu kaxeeyo hal askari oo keliya, sida uu sheegay Singleton. Siyaasaddooda waxay dhigeysaa in ugu yaraan ay labo askari weheliso maxbuuska.

Lauderdale County Sheriff Rick Singleton ayaa mar sii horreysay sheegay in gaariga lammaanaha uu shil galay iyadoo ay booliisku eryanayeen markaas oo Casey White uu is dhiibay.