Kenya: Wadaad Muslim ah oo diiddan in uu ka baxo xabsi laga sii daayay

0

Wadaad Muslim ah ayaa waydiistay maxkamad ku taalla Kenya in aan xabsiga laga sii deyn. Waxaa loo fasaxay inuu bixi karo markii lagu waayay dacwado argagixisannimo la xiriiray oo loo haystay.

Ninkan oo lagu magacaabo Sheekh Guyo Gorsa Buru, waxaa la xiray bishii Jannaayo ee sanadkii 2018-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu waday howlo uu ku taageerayo koox argagixiso ah iyo inuu la shaqenayay ururka Al-Shabaab.

Hase yeeshee toddobaadkan, ayaamaxkamadi amartay sii-deyntiisa, iyadoo sheegtay inay dowladdu ku guul-darreysatay in ay keento caddeymaha ka dhanka ah kiiska ninkaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu diiday inuu ka baxo xabsiga uu ku jiro oo lagu magacaabo Kamiti, isagoo taas u sababeeyay inuu naftiisa u cabsanayo.Sheekhu wuxuu ku andacooday in marka uu bannaanka u baxo ay suurtagal tahay in la qafaasho ama ay dilaan ciidanka dowladda.

Dhanka kale, garsooraha maxkamadda ayaa amray inuu wadaadku ku sii jiri karo xabsiga ugu badnaan 30 maalin, wuxuu markaas ka dambeeyana la fasixi doono.

Sheekh Buru, wuxuu maxkamadda sare u gudbiyay kiis kale oo ah inuu doonayo in amnigiisa la sugo wixii ka dambeeya marka uu xornimadiisa dib u helo. Kiiskiisa ayaa soo cusbooneysiinaya dood ku saabsan dadka khasabka loo kaxeysto ama lagu waayo gudaha dalka Kenya.

Warbixin ay dhowaan soo saareen Hay’adda Amnesty iyo kuwa kale caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa lagu dhaleeceeyay booliska tacaddiyo, dilal sharciga ka baxsan iyo qafaallo ka dhacay Kenya. Booliska wuu beeniyay eedeymahaas.

Maxay tahay sababta uu u diiday inuu xabsiga ka baxo?

Qareenka Sheekha, Dr John Khaminwa, ayaa sheegay in sababta uu u diiday inuu xabsiga ka baxo ay tahay inuu naftiisa u baqayo.

Dr Khaminwa ayaa tusaale usoo qaatay in ay jiraan wadaaddo hore oo xabsiga laga sii daayay balse dib loo qabtay, qaarkoodna la waayay.

Waxa uu intaas ku daray inuu dowladda maxkamad la tiigsan doono si ay u bixiso magdhow sheekha laga siinayo xariggii loo gaystay isagoo aan wax dambi ah lahayn.

“Muddo lixdan sano ah oo aan qareen ahaa waligay lama kulmin kiis noocan ah,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayuu sidoo kale ka codsaday inuu guddi u xil saaro baadhitaanka la xiriira “dadka lagu waayay gacanta booliska”.

Sheekh Abubakar Sharif Axmed Makaburi

Wadaad horey loogu dilay Kenya

Sanadkii 2014-kii ayay xiisadi ka dhalatay toogashada sheekh caan ahaa. Sheekh Abubakar Sharif Ahmed oo loo garanayay Makaburi ayaa lagu toogtay magaalada Mombasa isagoo ka soo baxay goob maxkamad ah oo ay dacwad uga socotay.

Wadaadkaas ayaa ahaa nin aan la gabban fikirkiisa, dowladduna waxay ku eedeysay xilligaas inuu ahaa nin xagjir ah oo taageersanaa Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isla xilligaas Makaburi ku eedeeyay inuu taageero, dhaqaalana siin jiray Al-Shabaab, balse eedeyntaasi dhowr jeer ayuu beeniyay. Sheekhaas, oo la dilay bishii Abriil ee sanadkii 2014, ayaa ahaa kii saddexaad oo lagu dilo Mombasa laga soo billaabo sanadkii 2012-kii.

Makaburi ka hor waxaa isla magaalada Mombasa lagu dilay Aboud Rogo iyo Ibrahim Cumar oo iyaguna ahaa wadaaddo uu dilkoodu muran dhaliyay.