Baraha Bulshada: Hadal-hayn ka dhalatay sawir muujinaya taliyeyaasha militeriga Hindiya oo tukanaya

0

Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa isla dhex maraya sawir laga arkayo saraakiisha ugu sarraysa ciidamada qalabka sida oo masaajid ku tukanaya.

Askarta oo ku labisan direyska ciidamada ayaa ku tukanayay masjidka, intooda badanna aysan iska bixinin koofiyadaha. Safka hore waxaa laga arkayay taliye kasoo jeeda diinta “Sikh” oo qudhiisa tukanaya.

Su’aasha uu qof walba isweydiinayay ayaa ahayd waxa uu yahay micnaha sawirkan. Saraakiisha Hinduuga iyo Sikh miyay tukadaan?

Dhanka kale, waxa ay cadho xoog leh ka dhalatay isla sawirkan oo dad badan ay su’aal ka keeneen sababta dad aan Muslimiin ahayn ay masaajidka ugu tukadeen.

Hase ahaatee arrintan ma aha mid hadda cusub. Taliska militeriga Hindiya ee ku sugan qaybta ay gobolka Kashmir ka maamusho Hindiya ayaa sanad kasta munaasabad afur ah la yeesha Muslimiinta sooman, halkaas oo ay salaaddana kula tukadaan. Sawirkan hadal haynta dhaliyay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah munaasabadahaas.

Taliyeyaal sar sare oo militeriga ka tirsan, oo uu hoggaaminayo Labo Xiddigle Janaraal DP Pandey, oo ah taliyaha guutada 15-aad ee militeriga Hindiya, ayaa casuumay Muslimiinta halkaas daggan si ay isula afuraan maalintii Isniinta kaddibna cibaadadooda uga qayb qaataan.

Balse sanadkan, sawirka faafay ayaa kiciyay cadho xoog leh oo ay muujinayaan Muslimiinta iyo Hinduuga caalamka, oo ay ugu horreeyaan kuwa ku sugan Pakistan iyo Hindiya.

Qof ka mid ah dadka Hindida ah ee ka hadlay baraha bulshada ayaa sheegay in horay uu u qaddarin jiray ciidamada qalabka sida ee Hindiya balse maanta wixii ka dambeeya aysan agtiisa wax qiimo ah ka lahayn.

“Hindidu waxay leeyihiin ilaahyadooda u gaarka ah, maxay tahay sababta intaad baxdo aad u caabudayso ilaah kale, “ayuu yidhi.

Mid kale ayaa soo qoray: “Bal ka warran dadkan oo la yidhi wax ka qabta argagixisada. Kaddib markii aan arkay sawirkan, layaab ma laha in sirdoonkeenna ay aad u liitaan, maalin kastana uu nin dhallinyaro ah bambo kusoo tuuro kolonyadooda.

Dadka ku sugan labada dhinac ee Khashmir, ayaa iyagana dhanka kale sheegay in “isla askartan qudhooda sanadkan intiisa kale oo dhan dhibaatooyin ka gaystaan gobolka, marka bisha Ramadan la gaarana ay muujiyaan sidii in uusan waxba dhicin oo kale.

Mas’uul ku khasbanaaday inuu tirtiro wax uu soo dhigay Twitter

21-kii bishan April, saraakiil ka tirsan guutada 16-aad ee militeriga Hindiya oo ku sugan Jamu ayaa munaasabad afur ah oo tan la mid ah ka sameeyay degmada Doda, balse waxaa ka dhalatay hadal hayn xoog leh.

Kaddib xafladda afurka, afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee uu fadhigiisu yahay Jamu ayaa boggiisa Twitter-ka soo geliyay qoraal uu ku yidhi: “Iyadoo laga shaqaynayo nooleynta dhaqanka wadanoolaanshaha, militeriga Hindiya waxay afur ku sameeyeen degmada Doda.”

Wariyaha Hinduuga ah ee lagu magacaabo Suresh Chauhanke, oo u ololeeya qarannimada, ayaa isagoo ka jawaabaya hadalkaas soo qoray, “Hadda cudurku wuxuu sidoo kale ku fiday militeriga Hindiya. Waan ka xumahay.”

Qoraalka wariyaha ayaa lasii faafiyay kumannaan jeer, dad aad u badan ayuuna sii gaadhay. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa markii dambe ku khasbanaaday in uu tirtiro qoraalkii uu soo geliyay boggiisa twitter-ka.