madaxweynhii kirishboyga soo noqday

0
 

Mwai Kibaki

Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday Jimcihii isagoo 90 jir ah. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka sheegay telefishinada kala duwan ee Kenya. Laakiin marka laga reebo caannimada madaxweynahan, waxa jira dhawr arrimood oo aanay dad badani ka warqabin.

Waxa uu ku koray isaga oo aan jeclayn magaca Emilio

Kibaki waxa dhalay Kibaki Githinji iyo Teresia Wanjiku oo ku noolaa Tuulada Thunguri, Othaya, ee Nyeri.

Adeegayaashii Talyaanigu waxay u bixiyeen magaca Emilio, laakiin uma ekayn inuu danaynayo magacaasi.

Sidaa darteed, waxa uu haystay magaca Mwai Kibaki intii uu noolaa. Hase yeeshee magaca “Emilio” wuxuu ka soo muuqanayay waraaqaha codbixinta, cabashooyinka doorashada iyo dhaarta.

Waxa uu soo noqday kirishboy bas

Xilliyada fasaxa waxa uu u shaqayn jiray shirkadda baabuurta ee Othaya African Bus Union.

Waxa uu ahaa arday karti badan, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Mang’u oo uu ka ahaa ardaygii ugu horeeyay dhanka natiijada imtixaanaad isagoo keenay “A”, intii u dhaxaysay 1947 ilaa 1950 waxa uu imtixaankii dugsiga sare ka keenay lix dhibcood.

Wuxuu doonayay inuu ku biiro ciidanka

Waxaa dhici kartay in Kibaki la dhihi lahaa Janaraal Kibaki balse maamulkaii gumeysiga ayaan ku talo galin in ciidamo laga keeno bartamaha Kenya, halkaasoo ay ku suganaayeem kooxdii gumeysi diidka ee la oran jiray Dhaq-dhaqaaqii Mau-Mau.

Riyadii uu ku riyoon jiray ee ahayd in uu ciidan noqdo, waxaa dhiiri galiyay mujaahidiintii ku soo laabtay dagaalkii labaad ee aduunka, balse waxa uu ku hungoobay markii uu ku biiray Jaamacada Makerere ee dalka Uganda, halkaas oo uu ku bartay cilmiga dhaqaalaha, taariikhda iyo siyaasadda isaga oo sannadkii 1955 ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor Degree).

Shahaadooyinkan heerka sare ah, waxa uu shaqo kaga helay shirkadda Shell ee ugu weyn shidaalka isaga oo ah kaaliye maareeyaha iibka ee Unugiisa Uganda.

Ka dib, waxa uu iska diwaan galiyay kuliyada dhaqaalaha ee london waxa uuna ku soo laabtay Makerere isagoo macalin ah sannadkii 1958kii.

Kibaki waxa uu madaxweyne ka soo noqday Kenya intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2013

Waxaa magiciisa lagu xusay jariiradda Times sannadkii 1974-kii isagoo loo aqoonsaday inuu ‘awood hoggaamineed’ leeyahay

Sannadkii 1974-kii, waxa uu dagaal weyn u galay sidii uu ku hanan lahaa kursigii Donholm ee Jael Mbogo oo ku dhawaaday in uu xilka ka tuuro sannadkii 1969-kii, waxana uu u raray saldhiggiisii siyaasadda ee Othaya.

Majaladda TIME ayaa ku tilmaantay Kibaki inuu yahay mid ka mid ah 100-ka qof ee ugu saamaynta badan adduunka.

Sannadkii 1978-dii ayuu Moi u magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wuxuu jeclaa ciyaarta Golf-ka

Kibaki waxa uu aad u jeclaa ciyaarta Golf-ka waxana uu ahaa ilaaliyaha naadiga Golf-ka Kenya in ka badan 30 sano. Wuxuu rumaysnaa in haddii la isticmaalo dou, shaqo badan loo abuuri karo dadka Kenyanka ahi.