Zeynab Maxamed: Gabadh Soomaali ah oo sabab cajiib ah ugu biiri rabta Senate-ka Minnesota

0

Doorashada xilliga dhexe ee dalka Mareykanka ayaa la qaban doonaa 8-da bisha November ee sanadkan, waxaana ay xisbiyadu loollan adag u gali doonaan ciddii aqlabiyadda baarlamaanka heli lahayd labada sano ee soo socota.

Waxaa tartan loo gali doonaa dhammaan kuraasta Aqalka Hoose ee loo yaqaanno Golaha Wakiillada oo ay tiradoodu tahay 435 kursi iyo 35 ka mid ah kuraasta 100-ka ah ee Aqalka Sare ee Senate-ka.

Ololaha ayaa in muddo ah socday, waxaana xisbiyada dhexdooda ay siyaasiyiintu ugu loollamayaan isreebreebka loogu soo baxayo tartanka guud.

Sidoo kale isla doorashadooyinka xilliga dhexe ayaa ka dhici doona goleyaasha matala maamul goboleedyada Mareykanka, dad Soomaali ah ayaana ka dhex muuqda.

Ilaa hadda 4 siyaasi oo Soomaali ah ayaa sharraxan, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u taagan yihiin xisbiga Dimuqraaddiga kanka kan afaraadna uu matali doono xisbiga Jamhuuriga.

Zaynab Maxamed oo ka socota xisbiga Dimuqraaddiga ayaa dhawaan ku guulaysatay loollanka xisbiga dexdiisa ah, waxayna u tartamaysaa doorashada Aqlka Senate-ka ee gobolka Minnesota.

 

Haddii Zaynab oo 24 jir ah ay riyadeeda rumowdo waxay geli doontaa taariikhda, iyadoo noqon doonta gabadhii ugu horraysay ee madow ah oo heerkaas gaarta.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku guulaystay doorashada xisbiga Dimuqraaddiga ee degmada 63-aad ee Minneapolis, Minnesota,” ayay tidhi mar ay Zaynab wareysi siisay BBC-da.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaas sii raacisay: “Guushaydu waa mid ay dadku aad iyo aad ugu farxeen. Aniguna waan ku farxay, waana mid aan usoo shaqaysannay, Alle ayaa mahad leh. Dadka waxay guushayda u arkaan in ay tahay fursaddii ay isku arki doonaan, kursi iyaga wax u qabanaya, fursad ayayna u furaysaa dadka dhallinyarada ah oo ku dayan kara tallaabada.”

‘Sabab cajiib ah’

Zaynab ayaa ka sheekeysay sababtii keentay in ay ku fikirto sidii ay ugu biiri lahayd Aqalka Senate-ka gobolka Minnesota, mar ay la hadlaysay warbaahinta Mshale, oo maqaal ka qortay.

“Waxa hamiga i galiyay wuxuu ahaa inaan tagay Aqalka Senate-ka anigoo la hadlayay xildhibaannada kaddibna aan ka waayay wax aniga ii eg,” ayay tidhi Zaynab.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxay billowday dadaal ku aaddan in ay arrintaas wax ka qabato.

Muddo kaddib gabadhan Soomaalida ah oo markii hore qaxootinnimo ku tagtay Mareykanka waxaa u suurtagashay in xisbiga Dimuqraaddiga ay ka dhigtaan musharraxooda doorashada kursiga Senate-ka ee degmada 63-aad ee gobolka Minnesota.

Ka hor inta aysan musharraxa noqonin waxay ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha adeegga bulshada, taasoo ay dadaal badan ku bixisay.

Waxay BBC-da u sheegtay in siyaasaddana ay muddo dheer jeclayd.

“Siyaasadda wax badan baan kusoo jiray, dhowr sano ayaan kasoo shaqaynayay. Waa wax aan waligay jeclaa, ilaa markii aan soo korayay aniga iyo aabahay siyaasadda ayaan ka hadli jirnay,” ayay tidhi.

Soomaalida Mareykanka ayaa galaangal xoog leh ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada siyaasadda, waayadii dambena waxaa soo badanayay Soomaalida saamaynta ku yeelanaysa siyaasadda dalkaas.