Waxaa Caawa shidaal la,aan u xaniban marakiibtii iyo doonyihii xoolaha uqaadi lahaa dalalaka Cumaan iyo Yemen, Bilihii udanbeeyay waxa kor usii kacayay qiimaha shidaalka naftada iyo batroolka waxaanay xiligan samayn wayn ku yeesheen dhaqdhaqaqa beri iyo badba,
Â
Hadaba kadib markii laga qayliyay shirkada tarafaguura oo siyaasadii shidaalka ee dalka Somaliland faro faraysay iyadoo shuruudo ku xidhay shidaalka ay keeni jireen ganacsatada madaxa banana kuna xujaysay tayada shidaalka laga isticmaalo wadamada qaniga ah ee tayadiisu sarayo hadaba ilaa mudadaa waxaa khadka kasii baxayay ganacsatadii 30 kaa sano dalka u keenayay shidaaalka oo ay caqabad ku noqotay shuruudaha aan dalkani qaadi karin, markii Madaxwaynaha Somailand Muuse Biixi ku dhawaaqay in cid kasta oo shidaal dalka keeni karta loo fasaxay ayaa shirkadaha qaarkood rajo gashay waxanay dalkan udooneen shidal jaban oo dadku iibsan karo laakiin nasiibdaro waxaa wali haysta shuruudihii ay dalka la timid shirkada tarafaguura loomana hogaan samin hadalkii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland  muuse biixi,
Waxaa iminka haabada dekada berbera taagan markabka Barakaale oo siday shidaal naafto iyo batrool isugu jiray waxana laga shubay batroolkii oo dhamaa 6000 Lixkun oo tan halka naftadii oo dalku baahi wayn u qabay wali ay ku xaniban tahay shuruudaha Tarafaguura dul dhigtay awgood, Waxaana lahaa shidalkan shirkada Red Sea sida warar xogogaal ahi sheegayaan shirkadii shiidaalka xaniban lahay markii ay udacwo tagtayna Xukumada ayaa waxa markiiba la ganaaxay lacag dhan 50.000$ Kun oo Dollar iyada oo la takiidinayo Shuruuda Shirkada Taraafaguura,
Dhanka kalena maraakiibtii iyo doonyihii xoolaha u qaadi jiray dalaka Yemen iyo Cumaan ayaa iyaguna uxaniban shidaal la,aan sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade codsaday in aan magaciisa la sheegin oo kamida ganacsatada xoolaha nool dhoofiya waxana dekada dhexdeeda xiligan jooga xoolihii lagu rari lahaa oo sida uu sheegay ganacsadahani ka mida kuwa xoolaha dhoofiyaa inay go,aansadeen in xoolihii laga dareeriyay galabta maxjarada inay dib usoo celiyaan madaama la waayay ayuu yidhi shidalkii lagu shubi lahaa marakiibta iyo doonyaha diyaarka u ah inay xoolaha qaadaan Maraakiibta iyo doonyahana laga furo dekada oo galabta lagusoo xidhay dibna loo geeyo haabada dekeda.