Maxaa xanibay xoolaha u dhoofi lahaa suuqyada sucuudiga maadama uu xayiradii ka qaaday

0

 Berbera{ Biyoguure News  Dalka Sucuudi Carbaiya ayaa xoolaha ka dhoofa mandaqada somalidu degto u furay  suuqii xoolaha kana dul qaaday xayiraadi  10\03\ 2022  hal bil aya kazoo wareegtay  fasaxaada dhoofka xoolaha ila maantana markab kaliya looma Rarain dalka sucuudiga ,

Xiligan waxaa xoolo kumanaan  ah oo isugu jira Geel iyo Adhi ay buux dhafsheen Macjarada Al Jaabiri iyo macjarka Al Mutaxida oo ah macjarka ay leeyihiin ganacsatada  shiraakoobay  loona yaqaan Macjarka Wax iska caabinta,  sida anu warar xog ogaala u helnay xoolahasi waxay udhoofi la yihiin carqalad kaga timid  dawlad ku sheegta maamulka xamar fadhiya  khaasatana wasiirka u qaabilsan  xananada xoolaha oo ka doonaya xoolaha ka dhoofaya berbera baad  cala neef hal doolar ah

Hadaba hadaynu dib uyar xasuusano bishan bisheedii kal hore markii sucuudigu fasaxay dhoofka xoolaha uga iman jiray Soodan ,Jabuuti iyo dhulkii la isku odhan jiray jamhuuriyada soomaliya maantana kala ah Somaliland iyo soomaliya ayaa waxaa dhacday in wasiirkii xilgaa farmaajo ushaqaynayay ee aha wasiirka xanaanada xoolaha in uu culays saaray maraakiibtii u horaysay ee berbera ka baxda  isagoo  baad ka doonaya  cla nef hal doolar ah lakiin way usuura gali wayday ganacsatadeenuna sutida ayay u qabteen oo way iska celiyeen iyagoo adeegsanay  ganacstada carbeed ee xoolaha ka dhoofsada berbera sida Al Jabiri oo kale,

Dabcana caqbadii iyo xaasidnimadii  maamulka Xamar halkii ayuu kasii waday maantana  xoolo ku dhow 300,000 oo kun oo Adhi iyo geelba leh ayaa mudo bil ah ku xaraysan labada macjar ee Aljaabiri iyo Al Mutaxida  xoolahan oo caafimadkooda si wanaagsan looo baadhay  una diyarsan in la geeyo suuqyada xoolaha ee sucuudiga  waxaa caqbad ku ah  Raysal wasaraha  mamulka xamar waayo wasiirka tashuushadaynaya ee  isku dayaya in warqad  xafiiskiisa kazoo baxday lagu rarao xoolahaasi  wuxuu  u shaqeeyay raysal was are Rooble,   mana suuro galayso in warqad caafimaadka xoolaha ah  xamar ay ugasoo jarto dekada berbera wa cadceda oo xaga kale kazoo baxday,

Ganacsatada xoolahan leh ayaa waxa culays wayn ku ah masaariifta xoolaha oo doonaya baadkii iyo biyihii dhanaka kalena waxaa la galay xiligii kulaylaha oo xooluhu way hararyoonayaan  oo ma xamili karaan waqti kale oo dheerad ah inay kusii sugnadaan macjarada berbera,

Xukuumada somalilnd  ee wali beer jileecu ugu jiro maamulka xamar ha ogadaan in dagaalkii dhaqaalaha iyo cunaqabataynta aanay ka tanaasulin xamar  Arinkana wuxuu dul fadhiya Raysal wasaraha maamulka Xamar Rooble,