Hindiya: Atoorihii ay quruxdiisa u keentay khasaaraha

0

Waxaa la sheegaa in Shashi Kapoor uu ahaa atoorihii ugu quruxda badnaa ee taariikhda filimada Hindiya soo maray xilligiisa.

Atariishada caanka ah ee howl gabka noqotay, Sharmila Tagore, ayaa wali xasuusata mar uu Shashi Kapoor u imaan jiray si uu ula kulmo walaalkeed Shammi Kapoor, xilli la jilayay filimka ‘Kashmir Ki Kali’.

Waxay tidhi: “Waxaan ahaa 18 jir. Anigoo isla hadlaya ayaan dhahay, ‘Alla rabiyoow, waa kan Shashi Kapoor.’ Waan yaabay markii aan arkay. Shaqadii jilitaanka waan qaban waayay, ilaa markii dambe uu agaasimihii na hagayay, Shakti Samanta, ku khasbanaaday in uu Shashi Kapoor ka codsado inuu ka tago meesha wax lagu jilayay.”

Atariishadii mar caanka ahaan jirtay ee u dhalatay Talyaaniga, Gina Lollobrigida, ayaa sidoo kale la fajacday quruxdii Shashi Kapoor.

Agaasimihii hagista filimada ee caanka ahaa, Ismail Merchant, ayaa buugiisa taariikhda,’Passage to India’, oo uu ku qoray qisada filimka Shashi Kapoor ee ‘Shakespearewala’ waxaa lagu soo bandhigay Bandhigga filimada ee Berlin. Shashi Kapoor qudhiisa halkaas ayuu joogay markaas.

Hal galab ayay isaga, atariishadiisii la oran jiray Madhur Jaffrey iyo Gina Lollobrigida isla soo fuuleen wiishka dabaqa iyagoo aan ku talogaleynin. Sida uu sheegay Ismail Merchant, “Gina way jeclaatay markii ay aragtay Shashi.”

Ismail Merchant waxa uu qoray, “in subaxdii xigtay ay ubaxyo u direen Shashi. Balse waxay si khalad ah ugu maleeyeen in Shashi magaciisa uu yahay Madhur, sidaas awgeedna ubaxyadii waxaa loo geeyay Madhur Jaffrey.

Gina waxay u maleysay in uu ka diiday haasaawe. Ma ahayn arrin ay uga baratay ragga, sidaas darteedna maalintii ugu dambeysay ee bandhig faneedka ayay Shashi waydiisay sababta uu uga soo jawaabi waayay farriinta ay u raacisay ubaxyada. Markaas ayaa la ogaaday in ubaxyadii Gina aysan gaarin Shashi.

Atariishada Talyaaniga ee lagu magacaabo Gina Lollobrigida

Shashi Kapoor “aad buu uga niyad jabay in magaciisa oo la khalday awgiis uu ku waayay fursadda sidaas u fiican”.

Wajigiisa waxaa badbaadiyay Farooq Engineer

Shashi Kapoor iyo ciyaartoyga caanka ah ee Cricket-ka Hindiya, Farooq Engineer waxay hal fasal kasoo wada dhigteen iskuulka Don Bosco ee ku yaalla magaalada Mumbai.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyagoo is garab fadhiya oo sheekeysanaya ayay macallimaddii kusoo tuurtay tirtire alwaax ku sameysan yahay, waxayna wajiga uga soo toosisay Shashi Kapoor.

Engineer ayaa isagoo dhacdadaas ka sheekeynaya yidhi: “Waxaan qabtay tirtiraha isagoo wax yar u jira inuu indhaha uga dhaco Shashi. Wajiga Shashi aad buu u qurux badnaa. Waxaan kula kaftami jiray waagii dambe inaan maalintaas ka qabtay tirtiraha alwaaxa ah, haddii aanan qaban lahaynna uu filimada ku jili lahaa oo kaliya doorka burcadnimada.”

Shashi Kapoor dumaashidiis, Felicity Kendall, ayaa buuggeeda taariikhda ee ‘White Cargo’ ku qortay, “Waligey ma arkin qof ka hadal qurxoon Shashi Kapoor. Qof kaftankiisa ka badbaadi jiray malaha. Wuxuu ahaa nin aad u dhuuban balse indhihiisu ay waaweyn yihiin. Timihiisa badan ayuu qof walba ka heli jiray. Lamaba soo hadal qaadi karo ilkihiisa cad caddaa iyo tushta uu dhabanka ku lahaa! Wuxuu ahaa nin guuleystay.”

Nin ay quruxdiisa khasaarisay

Shabana Azmi ayaa aaminsan in Shashi Kapoor uu dhibaato badan kala kulmay quruxda uu lahaa.

Waxay tidhi: “Run ahaantii, aragtida ninkan soo jiidashada aan caadiga ahayn leh, dadku waxau hilmaamaan sida uu xitaa u ahaan jiray atoore aad u wanaagsan.”

Shyam Benegal ayaa agaasime ka ahaa filimkii Shashi Kapoor ee lagu magacaabay Junoon and Kalyug.

Waxa uu yidhi: “Shashi waxa uu ahaa atoori qayrul caadi ah, balse filimada uma uusan heli jirin sida Amitabh Bachchan, kuwaasoo ahaa filimo uu ka heli karay xiddignimo iyo magac weyn oo dhanka jilitaanka ah. Waxaa mar walba loo arki jiray inuu yahay atoore ku fiican jacayl oo keliya. Dadku waxay fiirinayeen oo keliya wajigiisa, howsha kale ee uu qabanayo waxaa qof walba ka mashquulinaya wajigiisa.

Ma jirin jilaa sidaas oo kale u qurux badan oo waqtigaas soo maray taariikhda filimada ee Hindiya. Taas darteed ayayna xirfaddiisa jilitaanka dib ugu dhacday, mana uusan noqonin xiddig augu caansan,”

Filim agaasimaha caanka ah ee lagu magacaabo Kumar Shahani ayaa isagana yidhi: “Agaasimeyaasha Hindiya si buuxda ugama aysan faa’iideysanin Shashi Kapoor. Shashi Kapoor laftiisana ma uusan lahayn wajiga indha adegga ee atooreyaasha horumarka gaarsiiya.”

 

Guurkii Jennifer

Shashi Kapoor waxa uu masraxa Prithvi kala shaqeyn jiray aabihiis Prithviraj Kapoor, intii u dhaxeysay 1953-kii ilaa 1960-kii.

Waqtigaas waxa uu la kulmay haweeney lagu magacaabi jiray Jennifer Kendall. Waxay ka weyneyd afar sano. Jennifer aabeheed ma uusan taageerin xiriirkooda.

Shashi Kapoor dumaashidiis iyo Shammi Kapoor xaaskiisa Geeta Bali ayaa door muhiim ah ka qaatay in Shashi uu guursado Jennifer.

Xilligaas Jennifer waxay ku nooleyd magaalada Hyderabad, halka Shashi Kapoor uu dagganaa Mumbai.

Marka uu Shammi arkay Shashi oo murugsan ayuu weydiiyay waxa uu la murugsan yahay iyo cidda uu u xiisay. Marka uu la sheekeysto ayuu siiyay Rs 100.

Markaas tigidhka diyaaradda waxa uu ahaa Rs 70.

Shashi islamarkiiba wuxuu lacagtii ku iibsaday tigidh uu ugu duulo Hyderabad. Shammi Kapoor iyo Geeta Bali ayaa Shashi ku dhiirrigeliyay inuu Jennifer geeyo Mumbai, uuna baro walaidiintiisa.

Jennifer Kapoor

Shashi Kapoor waxa uu buuggiisa ‘Prithviwalas’, ku qoray “Uma kaxeynin Jennifer waalidiinteyda, waxaanse u kaxeeyay Shammi Kapoor iyo Geeta Bali. Waxay na siin jirtay gaarigeeda iyo xoogaa lacag ah oo aan kusoo damaashaadno. Waxaan soo cuni jirnay raashin iyo cabitaan. Kaddib, codsi iga yimid awgiis, Shammi wuxuu arrinteenna kala hadlay waalidiinteenna. Way na aqbaleen.”

Maalintii uu Shashi guursanayay Jennifer, waxa uu filimka ‘Mughal-e-Azam’ kusoo duubayay Jaipur.

Agaasimaha filimkaas, K. Asif, ayaa u suurtageliyay in uu soo raaco diyaarad nooceedu yahay Dakota. Islamarkii uu arooska dhammaaday, Prithviraj wuxuu dib ugu laabtay Jaipur isagoo raacay isla diyaaraddii.

Waqtigaas, xilli habeennimo ah laguma dagi karin garoonka Jaipur, markii uu waagii baryay ayay diyaaradda cago dhigatay Jaipur, Prithviraj wuxuu toos usii galay duubitaanka.

Markii ugu dambeysay, cudurro ayaa hareereeyay

Kaddib markii ay Jennifer Kapoor geeriyootay 1984-kii, Shashi Kapoor rajadii uu ka qabay nolosha sidaas ayay ku dhammaatay.

Dhimashada xaaskiisa kaddib waxaa billowday in uu miisaan badan fuulo jirkiisa, sidaas ayuuna kusii socday.

Dhowr sano kaddib, wuxuu u ekaaday ciyaartoyda aadka u cayilan ee feerka ku tartama. Wuxuu iska dhaafay inuu guriga ku noolaado. Cayilka iyo miisaanka badan dartood, jilbaha ayuu ka fariistay.

Maalin ay soo wacday dumaahsidiis, Neela Devi, Shashi Kapoor wuxuu weydiiyay qofka uu usii noolaanayo.

Saaxiibkiisii hore, oo sidoo kale ahaa agaasime filim, James Ivory, ayaa yidhi: “Shashi Kapoor cayilku wuxuu u ahaa hab uu ugu baroor diiqayay xaaskiisa dhimatay”.

Xasuustii Shashi way sii socotay ilaa maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa. Markii ay atariishada lagu magacaabo Simi Garewal ku aragtay isagoo kursiga curyaamiinta ku fadhiya oo munaasabad jooga, xagiisa ayay usoo dhaqaaqday.

Shashi gabadhiisa Sanjana ayaa inta aysan gaarin uga digtay in aabeheed uu ku dhacay baralis ka naafeeyay qayb ka mid ah jirka. Waxay u sheegtay in sidoo kale uu ku dhacay wadne xanuun. Waxay u sheegtay in aysan ka xumaanin haddii uu aqoonsan waayo.

Sidaasoo ay tahay, Simi way tagtay hortiisa. Dhulka ayay jilbaha dhigatay waxayna eegtay wajigiisa. Shashi Kapoor indhaha ayuu kor u qaaday, wuxuuna ku yidhi Simi Garewal, ‘Hello Simi.’ Simi hab ayay siisay Shashi Kapoor, iyadoo aad u faraxsan.

Shashi wuxuu geeriyooday 4-tii bishii December ee sanadkii 2017-kii.