War deg deg ahDagaal ka qarxay waddooyinka caasimadda Ukraine

0

War deg deg ahDagaal ka qarxay waddooyinka caasimadda Ukraine

Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka caasimadda Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.

“Dagaalka ayaa haatan ka socdaa waddooyinka caasimadda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxay dowladda shacabka ugu baaqday inay raadsadaan goobo gabbaad ah isla markaana aysan u dhawaan daaqadaha guryaha ama inay bannaanka usoo baxaan.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Militeriga Ukraine: Waxaan iska caabinayay weerar ay nagu soo qaadeen ciidamada Ruushka

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ruushka mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhaca galbeedka Kiev.

Waxay sidoo kale sheegeen in dagaal uu ka dhacay agagaarka garoon diyaaradeed oo dhanka koonfureed ku yaalla.

Weerarkan – oo BBC-da aysan weli xaqiijin – ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddada Peremohy (Victory).

Ukraine waxay sheegtay inay soo rideen diyaarad weyn oo Ruushka leeyahay oo siday ciidamo.

Dhinaca kale, Ruushka wuxuu sheegay inay ciidamadiisa ay gudaha u galeen magaalada Melitopol oo u dhow gobolka Crimea, inkasta oo aan arrintan la xaqiijin.

Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalada Kharkiv oo dhacda xadka Ukraine iyo Ruushka.