Ruushka oo 48 Sacadood ku qabsaday Casimda Ukrain sida aay muujinayan sawirada lagasoo qaaday tangiyad ruushka oo gudaha ugu jira casimad kyif

0

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.

Sawirka ayaana u muuqda mid uu qaaday qof ka mid ah shacabka magaaladaasi deggan. BBC waxay xaqiijisay muuqaalkaasi inuu yahay mid sax ah oo laga soo qaaday gudaha magaaladaasi.

 

Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu iisu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin.”

Wuxruna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.