Xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka S/land Oo Is-casilay

0
Komishineer Cabdifataax Ibraahim Xasan, ayaa gudbiyay codsi uu iskaga Casilay xubintii uu ka ahaa Gudiga doorashooyinka ee Somaliland, sida ay Warbaahinta u soo dusiyeen ilo xogogaal ahi.
Cabdifataax Ibraahim, ayaa is casilaaddiisa la socodsiiyay xafiisyada ay khusayso ee dawladda
Cabdifataax Ibraahim Sheekh wuxuu ahaa xubinta ugu mudada dheer dhammaan xubnihii soo Maray gudiga doorashooyinka ee Somaliland.
13-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ka midnoqday saddexdii guddi doorasho ee isku xigay uguna dambeeyay ee Somaliland.
Ma jiro warar faahfaahsan oo ku saabsan sababta keentay inuu xilligan iscasilo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID laba jeer u magacaabay inuu ku metelo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo haatan hawlo waaweyn horyaallaan.