Gaadhiga Dr.Gaboose oo Muraayado laga jejebiyey iyo dagal siyasadeed oo kaga socda degaanka uukasoo jeedo

0

Sawiradan waa gaadhiga Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo koox dhalinyaro ah oo aan la aqoonsani ay muraayadaha ka jajabiyeen .

Xiligii dhacdadani dhacdey ayaa waxaa uu Dr Gaboose ka soo baxay shir uu Hotel Adam’s Inn ee Hargeysa uu kula lahaa Madax dhaqameed iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Degta Koonfurta Hargeysa iyo Degmada Sallexlay.

Dr gaboose aya tan iyo intii xukuumada somaliland ku dhawaaqday furitanka ururrada siyasad waxa lagula kacay fadeexado xun oo ad uga damqaday iyadoo ooda laga qaaday hadalo laga duubay shirkii gacan libaax ee beelaha wada dhashay ee garxajis hoos uga wada hadlayeen arimahooda siyasaada, taas oo aan wax ceeb ah lahayn hadii siyasigasi udamqaday degaankiisa kuna canaantay qladadadkooda ilayn dadku wax hoose aya xidhiidhiya iyadoo lakala dan yahay oo aan dusha layska sarnayn e,

Dr gaboose ayaana  besha  degaankiisu uga baqo qabtaa in uu dib boodhka uga tumo Urur siyasadeedkiisii UMADA, siyaasigani wuxuu ka mid yahay raga ugu TUNKA waawayn siyaasiyiinta somaliland