Ra’iisal wasaare Rooble oo ciidamada qalabka sida amar u soo jeediyay

0

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan asaga iyo madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada madaxweyne Farmaajo tahay inuu carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo “si sharci darro ah.”

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhanka kale ugu baaqay inay ciidamada qalabka sida ay isaga si toos ah uga amar qaatan isaga oo sheegay in cid kasta oo amarkaasi ka hor timaadana ay si deg deg ah ula tiigsan doonan sharciga.

“Waxaan farayaa dhamaan ciidamada qalabka sida inay si toos ah uga amar qaatan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’isal Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa saaka tegey xafiiskiisa, kadib markii ay ka hor istaageen ilaallada koofiya casta ee waardiyeysa Madaxtooyada Soomaaliya inuu halkaa tago.

Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka ayaa guuleystay, waxayna qanciGoor sii horeysayna Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu soo faragaliyay shaqadiisa, isla maraakana uu ciidan soo dhoobay xafiiskiisa.

Xalayna waqti dambe Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaaraha. Safiiradda reer galbeedka ee Muqdisho fadhiya ayaa iyana ka digaya in xiisadda taagan loo badalo gacan kahadal.yeen ciidankii la dhigay xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha in la qaado.

Weriyaha BBC-da Ibraahin Maxamed Aadan ayaa inoo fafaahinaya sida ay haatan xaaladdu tahay iyo wararkii u dambeeyey ee xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho.