Sheeko cajiiba, dameer ismooday Ey,

0

Dameerkan yar oo ay diidday hooyadiis ayaa u muuqda mid ku si la yaableh ula qabsaday habdhaqan ka duwan kii lagu yaqaannay, isaga oo ku barbaar beer ku taal Lincolnshire.

John Nuttall, oo qoyskiisu ay dameeraha ku dhaqanayeen xeebta Skegness muddo qarni ah, ayaa sheegay in Kye uu hadda si fiican u socdo oo uu ku nool yahay meel deddan, kaddib markii hooyadii ay dayrisay.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Nuttall wuxuu sheegay se in uu leeyahay dabeecad ka duwan tii lagu yaqaannay.

“Maalintii oo dhan wuu la cayaaraa eeyaha, wuuna i soo raacaa marka aan u tago, wuxuu u malaynayaa inuu eey yahay,” ayuu yiri Mr Nuttall.

Ka dib markii ay diiday hooyadiis, mid labaad ayaa la damcay in lagu tabaabao si ay u quudiso dameerkan yar.

Sidaa darteed, iyada oo la kaashanayo khabiirka dhanka eyda ah Gražina Pervenis, Kye waxa lagu quudiyaa hab ka duwan sidii caadiga ahayd taas oo ah quraarad loogu shubo caanaha.

Mr Nuttall wuxuu yiri: “Saaxiibkey ayaa soo qaadat isaga oo dhal ah si uu koriyo, socodkana u baro, aniga ayaana ka qaaday oo ku hayey gurigayaga isaga oo yar, oo labadii saacadoodba mar ku quudin jiray dhalo caano ku jiraan – maalin iyo habeen.

“Waxaan ugu dambeyntii ku guuleystey inaan dibadda u soo saaro – isaga oo keligiis ku jira meel xasillan – oo wata dhalo caanaha lagu siiyo, laakiin weli waxay ahayd inaan soo baxo saddexdii saacadoodba mar oo aan buuxiyo dhaladaas, si uu caanahaas u cabbo” ayuu raaciyay.

Mr Nuttall waxa uu sheegay in Kye – oo ka mid ah 70 dameer oo ku sugnaa beerta qoyska ee Nuttalls – uu hadda aad u kobcay oo koray, laakiin “uu jecel yahay inuu dadka iyo eyda ag joogo”.

“Waa xayawaan lala noolaan karo, laakiin kan yar oo had iyo jeer ila jooga, wuxuu jecel yahay inuu i soo raaco markaan meel aadayo” ayuu raaciyay.