Wefti Safiiro ah oo soo gaadhay Hargeisa

0

Wefti Safiiro ah oo ka socda Wadamada Somaliland ka taageera Arimaha Doorashooyinka ayaa ka soo degay Madaarka Hargeysa Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Masuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Debeda Somaliland

Weftigan ayaa waxaa hogaaminaysa safiirka Midowga yurub u fadhida Nayroobi oo ay weheliso safiir ka socda dalka Sweden iyo dublamaasiyiin kale.

Waxaana madaarka cigaal kusoo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Somaliland.

Ujeedada socdaalkan waftigan oo maalmo joogi doona Somaliland ayaa la sheegay inay tahay arimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dhici doonta 2022.Mudada ay ku sugan yihiin caasimada hargaysa ayaa waxay kulamo layeelan doonaan madaxda ugu saraysa xukuumada Somaliland & Ururada Bulshada rayidka ah