Wax ka ogow qaababkii fashilmay ee ay CIA-da ku khaarijin rabtay Fidel Castro

0

Dalka Kuba, ayaa isbucan u dabbaal dagaya shan sano guuradii kasoo wareegtay, kadib geeridii hoggaamiyihii dalkaasi ee Fidel Castro. Hoggaamiye Fidel waxa uu qarankaasi uu ku horkacayey aaminsanaanta inuu hal xisbi hoggaamiyo, ku dhawaad nus qarni waqti gaaraya, kahor inta aanu dhiman sanadkii 2016-kii, isagoo dadiisu ahayd 90 sano jir.

Ka dib burburkii ku yimid dalalka ku dhaqmayey mabaad’iida Shuuciyadda, Casto wuxuu sii wadey xukunkiisa, inkastoo uu dhaleeceyn xooggan kala kulmay cadowgiisii ugu weynaa ee Mareykanka.

Wuxuu ahaa shaqsi caan ah oo ay dad badani kasoo horjeedaan, ayaa taageerayaashiisu ku ammaaneen inuu yahay hormuudka nidaamka hantiwadaaga, iyo ninka dib usoo celiyey qaranimadiisa.

Iyadoo Kuba u dabbaal dageyso shan sano, tan iyo geeridii hoggaamiyaha, BBC-da ayaa ka warameysa 637 isku day dil, oo uu ka badbaadey hoggaamiyihii hore ee Kuba, Fidel Castro.

Hoggaamiyaha Kuba, ayaa mar laga soo xigtay inuu yiri, haddii aanan ka fogaaneynin dil khaarajin ah, waxaan ka qeyb qaadan lahaa ciyaaraha fudud ee Olympic-kada, waxaana ku guuleysan lahaa abaal marin billad dahab ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah shirqooladii lala damacsanaa Castro lama fulinin, sida uu sheegay ilaaliyihii hore ee Fidel Castro, oo la yiraahdo Fabian Escalante.

Xog la faafiyey intii uu xilka hayey Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa daaha ka qaaddey in CIA-du ay hal mar bilawdey baaritaannada la xiriira xayawaan yar, oo kusugan deegaanka Carebean.

Qorshaha ayaa ahaa in la helo shay u eg qaabka xayawaan yar oo biyaha badda cawska gala, kaasoo cajabiya Castro, maadaama uu aad u jeclaa dabaasha, iyadoo laga buuxinayo walxo qarxa, si aanu u qarxin, kahor inta uusan qaban Castro.

Qorshe kale ayaa ahaa in la sameeyo dhar dabaasha ah, oo shaadh ahaan loo xiro, oo laga yaabo inuu cudur halis ah oo maqaarka ah uu ku dhaco hoggaamiyaha.

Dhammaan qorsheyaashaas waa kuwo lagu fashilmey.

Mid kamid ah haweenkii ay isjeclaayen, Marita Lorenz, ayaa saxiixday heshiis qaarajin ah.

Mid kamid ah haweenkii ay isjeclaayen, Marita Lorenz, ayaa saxiixday heshiis qaarajin ah.

Waxaa lagu wareejiyey dawooyin sun ah, si ay ugu darto cabitaanka Castro. Balse Fidel Castro, ayaa gartey isku dayga dilka qaarajinta ah, waxaana la sheegay inuu u dhiibay qorigiisa, halkii uu u isticmaali lahaa inuu ku dilo iyada.

“Ma i dili kartid. Ma jiro qof i dili kara, Ms Lorenzo”, ayuu Mr Castro ku sheegay wareysi uu siiyey New York daily.

Castro ayaa la sheegay intuu dhoola cadeeyey, siina watey cabistiisa sigaarka. “Waxaa iga soo fuqdey neef, sababtoo ah wuu igu kalsoonaa aniga. Intuu isku kay duubay oo uu laabta igu qabtey, ayaynu dareen jaceyl oo raaxa leh si wanaagsan ugu qaadanay waqti”.

Isku dayga kale ee dilka ah ee caan baxey, ayaa ahaa mar Castro qorshe loo dagey sanadkii 2000, markaasoo la qorsheeyey in dhawr walxaha qarxa la dhigo goob la filayo inuu ka hadlo dalka Panama.

Qorshahaas waxaa fashiliyey ciidamada ammaanka ee Castro.

Afar qof oo uu ku jiro nin u dhashey Kuba oo baxsad ah, oo wakiil u ahaa CIA-da, oo lagu magacaabo, Luis Posada, ayaa la xirey, balse markii dambe lasii daayey.

Waxaa sidoo kale jiray qorsheyaal lagu doonayey in Castro, oo sidoo kale loo yaqaan ninkii Garka Weynaa, loo maldaho oo loo ekeeysiiyo kaftan, balse dhab ahaan ahaa dil qaraajin ah.

Mid kamid ah qorsheyaal qaarajin ah, ayaa ahaa in loo galiyo kabahiisa sun, inta uu ku guda jiro socdaal dibadda ah, iyadoo ujeedadu tahay in garka laga jaro.

Balse qorshahaasi waala fashiliyey, kadib markii Madaxweyne Castro uu dib u dhigay safarkiisa. Castro wuxuu sameeyey taxadar aad u fara badan, wixii markaa ka danbeeyey, si uu uga fogaado dadka qorsheeyey dilkaasi.

Sanadkii 1979-kii, isagoo u socda magaalada New York, oo uu khudbad ka jeedin lahaa shirka Qaramada Midoobay, ayaa waxey ka joojin waayey wariyayaasha su’aasha la xiriirta inuu wato jaakadda aaney karin xabadda, intuu iska siibay shaadhka, ayaa wuxuu tusay laabta.