Waa Maxay Caymiska La Rabo in Lagu Waajibiyo Gaadiidlayda Somaliland?

0

Cabdillahi Xuseen

Abhussein1988@gmail.com

Waxaa si xowli ah u socda isku day ay kooxo ka ganacsada caymiska (insurance) ugu jiraan inay  dadka khasab lagaga dhigo inay adeegooda iibsadaan iyagoo u soo dhex maraya nidaamka  dowliga ah. Marka ay dowladu ku waajibinayso muwaadinka inuu adeeg iibsado waa inay jirto  dan guud oo khasbaysa arinkaa (compelling public interest). Sida muuqata arinka caymiska  waxa jira dan ganacsi oo mucaash doona (compelling business interest), taas oo ay ku  doonayaan ganacsadaasi in xukuumadu dadka u khasabto iibsiga caymiska siiba ka gaadiidka.  Waxaynu ku eegi doonaa qoraalkan sababaha xeer loo soo saaro, muhiimada ay leedahay in xeerarka la waafajiyo dastuurka iyo shareecada Islamka, cida awooda u leh soo saarida xeerarka  waajibinaya culays maaliyadeed, dariiqa ilaa hadda loo maray in waajib lagaga dhigo  muwaadinka in uu khasab ku qaato caymis gaadiid iwm.

Baahi in Caymis Gaadiid la Helaa Ma Jirtaa Somaliland? 

Marka xeer ama siyaasad cusub la dhaqan galinayo waa inay jirta dan guud oo la xaqiijinayo  (compelling public interest). Aynu is waydiinee maxaynu Somaliland ugu baahan nahay caymis  gaadiid? Nidaamkeena dhaqanka ah ee qabiilku wada bixiyo magaha iyo xaqa marka cid dhibaato la gaadhsiiyo ayaa ah mid si fiican u shaqeeya. Tusaale ahaan, haddii qofku gaadiidka  uu wato cid dhibaato ku gaadhsiiyo waxa dhacda in lagu xidho xarunta Ciidanka Ilaalinta  Wadooyinka (Traffic Police) ilaa inta labada dhinac ee wax kalal gaadheen ay ka soo  heshiinayaan qaadida masuuliyada dhibtii dhacday. Odayaasha reeraha ee masuuliyada qaaday  iyagaa iska xil saara inay bixiyaan wixii ku waajibay ee magdhow ah. Nidaamkaasi waa mid  shaqeeya oo cid wal oo isku qabiil ahiba ay si mutadawacnimo (voluntary) ah u bixiyaan wixii  reerkooda lagu yeesho.

Waxaa is waydiin leh haddii nidaamkeenaasu shaqaynayo maxaynu ugu baahanahay inaynu u  bedelno inagoo u danaynayna kuwa doonaya inay ka ganacsadaan caymiska? Waxaa jirta  odhaan Maraykanku isticmaalo oo tidhaa “if it isn’t broken, don’t fix it” oo macnaheedu yahay  “haddii arinku si fiican u shaqaynayo, ha isku dayin inaad hagaajiso!” Iska daa inay hagaajiso e’  waxay u badan tahay in caymiskan gaadiidka ee dadka lagu khasbayaa uu khalkhal galiyo  nidaamkii reeruhu isaga wada bixin jireen magaha iyo xaqa. Tusaale ahaan, haddii caymiska  gaadiidku uu hirgalo oo dadka khasab lagaga dhigo waxaa dhaci doonta in reeruhu diidaan inay  qofkooda gaadiid wax ku gaysta ay ka bixiyaan xaqii lagu lahaa oo ay ku andacoodaan “maxaad  caymis kaa bixiya u gali wayday?” Marka reerka loo diido inay lala bixiyo qaantii ay gaadiidka ku  gaysteen, waxaa dhacaya inay iyaguna diidaan marka qof kale oo qabiilka ka tirsani, tusaale  ahaan, qof wax yeelo oo ay yidhaahdaan “idinkuba shalayto nalamaydaan bixin qaanti aanu  gaadiidka ku gaysanay!”

Caymisku Ma Waafaqsan Yahay Shareecada Islamka?

Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in lays waydiiyo in caymisku waafaqsan yahay shareecada  Islamka. Asalka caymisku waa Baycul-Qarar baycul qarar الغرر بيع oo shareecadu  xaaraantimaysay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 5aad, farqadiisa 2aad ayaa waxay  tilmaamaysaa sidan:

“Xeerka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda Islaamka; waxaana reebban  wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.” 

Caymiska ma garanaysid waxa aad iibsanayso mar kastana labada dhinac ee wax kala iibsanaya  ee caymiye iyo la caymiye ah (Insurer and insured) mid baa khasaare ku jiraya. Tusaale ahaan,  haddii aan caymis gaadiid iibsato (premium) bishiina $50 bixiso muddo toban sanno ah lacagta  aad bixisay waxay noqonaysa $6,000 ($50*10*12). Haddii aanad wax dhib ah ku gaysan  gaadiidkaaga oo aan caymisku waxba kaa bixin shirkadii caymiskuna way faa’iiday. Dhinaca kale,  waxaa suura-gal ah in qof caymis gaadiid ku iibsaday $50 bishii markuu laba bilood ku jiray uu  galay shil gaadiid oo lagu xukumo lacag gaadhaysa $200,0000, taasoo shirkadii khasaare wayn  ku noqonaysa, qofkiina ay culayskii ka qaaday. Nidaamka Islaamu waxa uu diidaa iibsiga noocan  ah ee kolba dhinac khasaarayo xaga dhinaca kalena faa’iidayo. Haddaba waxaa jirta marka  dalalka aan Islaamka ahayn qofku ku nool yahay ay culimadu u fadwoodeedn inuu caymis  gaadiid (liability insurance) qaadan karo daruuro ahaan maadaama caymis la’aan aanu gaadhi  kaxaysan karin. Sidaa darteed waxaa muhiim ah maxaa inaga manta inugu khasbaya ee daruuro  inagaga dhigaya caymis xaaraan ah?

Dariiqee Loo Maray In Caymiska Khasab Lagaga Dhigay Gaadiidlayda: 

Dastuurka Somaliland cida kaliya ee uu awooda u siiyey inay muwaadinka ku waajibiso culays  maaliyadeed oo waa Golaha Wakiilada. Waxay ahayd in Golayaasha sharci dejinta la keeno  “Xeerka Caymiska Qaranka—National Insurance Law) oo ay xildhibaanadu ka doodaan in xiligan  loo baahan yahay caymis, haddii loo baahan yahay noocee loo baahan yahay, ma waafaqsan  yahay Shareecada Islamka iyo inuu khasab ku noqonayo muwaadinka iyo in kale iwm.

Iyadoo xukuumadu og dhibta ay kala kulmi karto inay xeerka caymiska ka ansaxiso goloyaasha  sharci dajinta ayaa waxa ay meel marisay Xeerka Hay’ada Caymiska (Xeer Lr. 92/2021) oo ah kii  lagu dhisayey Hay’ada Caymis. Xeerkaasu gaadiidlayda kuma waajibinayo inay khasab caymis ku  qaataan. Markii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku oo aan ogolaansho ka haysan Gudida  Caymiska Qaranka (The National Insurance Board) oo uu Wasiirka Maaliyada, Sacad Cali Shire,  gudoomiye u yahay (Chairman of the Board) isku dayey inuu wareegtooyin ku waajibiyo  caymiska gaadiidka waxaa uu la kulmay iska caabis badan oo kaga timid gaadiidlayda kuwaas dacwad u gudbiyey Golaha Wakiilada. Isla maalmihii gaadiidlaydu dacwada u gudbisay Golaha  Wakiilada ayaa madaxweynuhu qoraal ku soo saaray dhismaha Gudida Caymiska Qaranka  (National Insurance Board) oo aan horeba u jirin

Maxkamada Sare ayaa hadana soo dhex gashay dacwadii caymiska gaadiidka ee khasabka laga  dhigayey iyadoo aan la garanayn cid dacwad u gudbisay. Maxkamadu waxay soo saartay in  wareegtadii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku ee sax ahaa. Waxaa is waydiin leh sida  wareegtada Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska sax ku yahay iyadoo aan go’aanka amarada ku  qoran wareegtada aanay waxba ka ogayn Guddida Caymiska Qaranka iyo Gudoomiyahooda oo  ah Wasiirka Maaliyada.

Iminka Halkee Wax Marayaan? 

Waxaa iminka yaala Golaha Wakiilada Xeerka Shirkadaha Caymiska. Waxay u eg tahay inay  xukuumadu wali ka warwareegayso Xeerka Caymiska Qaranka inay Golaha keento. Waxay  ahayd welina tahay in xeerka caymiska horta la keeno golayaasha sharci-dajinta oo laga doodo  arimaha ay ka mid yihiin 1) baahi ma u qabnaa caymis gaadiid 2) Caymisku ma waaafaqsan  yahay Shareecada Islamka 3) Caymisku khasab ma ku noqonayaa gaadiidlayda mise waa haddii  qofku rabo (ikhtiyaari)?

Takaaful Muxuu Yahay? 

Takaafulku waa caymis si mudatawacnimo (voluntary) ah loo galo. Waa sidii magta ee reeruhu  sanduuq samaysan jireen si ay isaga bixiyaan hadba wixii lagu yeesho. Tusaale ahaan,  shirkadaha dhismaha ayaa sanduuq samaysan kara si kolba shaqaalaha wax noqda ama cidii  gaadhiidkoodu wax yeelo macdhow loogu siiyo, haddii wax ugu soo hadhaan sanduuqana ay u  qaybsan lahaayeen. Takaafulku ma noqon karo wax khasab ah. Sidaa darteed, khasbka la rabo  in laga dhigo caymiska gaadiidka ayaa u diidaya inuu Takaaful yahay caymiskani.

Kaalinta aad Ka Qaadan Kartaa Maxay Tahay? 

Waajibinta caymiska gaadiidku waxay culays maaliyadeed ku noqonaysaa cid kasta oo gaadhi  wadata. Waxaa haboon in:

Gaadiidlaydu: 

Iyadoo ay jirto culaysyo badan oo gaadiidlayda saaran sida shiidaalka qaaliga ah, cashuurta  wado marida, badalida joogtada ah ee buuga gaadhiga/ruqsada gaadhi wadida, lacagta badqabka gaadiidka iwm haddana dadku ma qaadi karaan lacag caymis oo naas nuujin u ah  shirkado gaar loo leeyahay. Sidaa darteed waa in muwaadiniintu ay fikirkooda iyo dareenkooda  u gudbiyaan mudanayaasha golayaasha sharci-dejinta.

Culimadu: 

Waa in culimadu fikirkooda ka dhiibtaan waafaqsanaanta caymiska ee Shareecada Islamka.  Waxaa haboon in culimadu dadka u cadayso waxa Shareecadu ka qabto caymiska.

Saxaafada:

Waxaa haboon in saxaafadu ay doodo ka qabato caymiska gaadiidka oo loo yeedho  gaadiidlayda, shirkadaha caymiska, madaxday Hay’ada Caymiska, xildhibaanada goloyaasha  sharci dajinta iwm.