Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya

0

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo xooggaga TPLF ay sheegeen inay ku wajahanyihiin magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa wacad ku maray inuu tagayo furinta hore ee dagaalka ciidamada federaalku kula jiraan TPLF.

Colaadda ka socota dalka Itoobiya muddada sanadka ah ayaa horseday xaallado binu aadanimo oo aad u liita oo ka jira gabalka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.Kumanaan ruux ayaa la dilay halka malaayiin kalana lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaaro wada xaajoodka xabad joojinta.

Ka dib booqashadiisii Itoobiya, ayaa Jeffrey Feltman, waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPP ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul militari lagu kala calaf qaado.Mr Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda, Addis Ababa, ay taasi noqon doonto musiibo iyo wax aan la aqbali Karin.

Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, sanadkii 2019-kii waxaana xiligaas la sheegay inuu biladda ku muteystay doorkiisa xalinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeyay Ereteriya, iyo kor u qaadistii nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus.Si hadafkaas loo gaaro wuxuu Abiy ballanqaaday inuu wareejin doono dhul si aad ah loogu muransanaa, gaar ahaan magaalada Badme, oo ah halkii ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa, sanadihii 1998-kii iyo 2000, kuwaas oo tobannaan kun oo qof ay ku naf waayeen.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu Itoobiya u horseeday isbadallo muhiim oo dhanka dimuqraadiyad ah iyo dadaalkiisa xallinta khilaafaadka meelo kale oo gobolka ka mid ah.Aabihii Axmed Cali oo geeriyooday sannad ka dib markii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha qabtay wiilkiisa, wuxuu Abiy ku tilmaamay “wiil saaxiib la ahaa qof walba.” Wuxuu hadlkaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC, bishii July, 2018.