Natiijada ay shaaciyeen Guddidii loo xulay Baadhista kiiska Ikraan Tahliil+Doorka Fahad Yaasiin

0

Guddigii loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa soo saaray Natiijo horu-dhac u ah baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray.

Natiijada hordhaca ayaa lagu sheegay in baritaan lagu sameeyay dhinacydii lagu tuhunsanaa kiiska sarkaalad Ikraan.

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka oo natiijadan hor-dhaca akhriyay ayaa sheegay in ay cadeymo ka qoreen saraakiisha sarsare ee hay’adda Nisa.

Waxaa uu xusay in dadka cadeymaha ay ka qoreen ay ka mid yihiin ku simaha taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaran Gaashaanle sare Yaasiin Cabdulahi Maxamuud (yaasiin farey) taliyihiin hore ee nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaji Daahir iyo Cabdulahi Adan Kulane madaxii hore ee shaqada iyo shaqaalaha.

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey ayaa sidoo kale sheegay in ay booqdeen xafiiska hay’adda nabad-sugidda iyo sirdonka qaranka ayna dib u eegeen kamarooyiinka amaanka ee CCTV loo yaqaano.

Hay’adda nabad-sugidda ayuu Mr Kameey sheegay in guddiga loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ay si hufan ula shaqeeyeen.

Warbixinta hordhaca guddiga ayaa lagu sheegay in aysan helin wax cadeyn ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda sirdoonka ee Nisa.

“Intii ana baarista kiiska ku guda jirnay guddiga uma soo bixin wax cadeyn ah haba yaraatee oo muujinaya in maqanad Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta gacmaha saraakiisha hay’adda Nisa,” ayuu yiri Mr Kameey

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka ayaa dhanka kale sheegay in guddiga baarista kiiska Ikraan ay hay’adda Nisa u soo gudbisay qoraal sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-shabab ka dib-na ay dileen.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan.

Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Balse Al-shabab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan.