Jahwareer ka dhashay markii lagu kala yaacay lacag ka daadatay baabuur

0

Dadka waxay ku xoomeen lacagtii ka daadatay baabuurka

Lacag ka daadatay baabuur marayay mid kamid ah waddooyinka Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay jahwareer iyo saxmad dhanka waddooyinka ah kadib markii dadweyne ay ku kala yaaceen lacagta.

Waxaan xaaladda soo farageliyay booliska si ay u kala eryaan dadkii ku soo xoomay lacagta si ay waddada u furaan.

Booliska ayaa xiray qaar kamid ah dadkii jahwareeraka ka dhaliyay goobta markii ay lacagta ay kasoo daadatay baabuur qafilan oo waddada marayay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay lacagta oo kasoo daadaneyso baabuurka xilli dadka ay kusoo xoomeen si ay u uruursadaan doolarka ku kala firdhay waddada.

Arrintani ayaa saaka ka dhacday gudaha degmada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka.

Booliska waxay sheegeen in markii darawaladda ay arkeen lacagta ay baabuurtooda kaga dhex tageen bartamaha waddada taas oo horseeday in waddada ay xiranto.

Dad ayaa loo xiray dhacdadan halka dadkii xaabsaday lacagta loogu baaqay inay dib usoo celiyaan.

Dhacdadan ayaa ka dhalatay markii ay furantay albaabada mid kamid ah baabuurtii siday lacagta sidaas ayay uga soo daateen boorsooyinkii ay lacagta ku jirtay, lacagtii ayaa qabsatay waddada.

“Lacagtii ayaa meel kasta qabsatay markii ay kasoo daadatay baabuur qafilnaa ee waddada marayay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada waddooyinka oo xilliggaas howlgal ka sameeyay waddada weyn ee gasha California.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay waddada oo xiran xilli dadka maraya waddadaas ay uruursanayaan lacagta halka qaarkood ay ku ciyaarayaan lacagta sida $1 ilaa $20 doolar.

“Waa xaaladdii ugu yaabka badneyd ee aan la kulmo abid” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta kadib muuqaalka laga soo qaaday halkaas.

Arrintan ayaa sababtay in xitaa dadkii ay baabuurtooda uga dhex tegaan bartamaha waddada.

Labo qof ayaa loo xiray dhacdadan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Booliska waddooyinka waxay sheegeen in FBI-da Mareykanka lagu wargeliyay dhacdada, waxay ugu baaqeen dadkii lacagta uruursaday inay isa soo bixiyaan si lacagta ay usoo wareejiyaan.

Jim Bettencourt oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada waddooyinka ayaa sheegay in darawal kasta oo baabuurkiisa kaga dhex tagey waddada si uu lacagta u uruursado ‘uu wajahi doono dacwad”

“Tusaale ahaan, haddii teleefishinno ay ka dadaataan baabuur waddada marayo ma uruursan kartid” ayuu yiri sarkaalka oo u warramayay wargeyska San Diego Union Tribune.

Curtis Martin oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in tiro dad ah ay dib usoo celiyeen lacagtii ka daadatay baabuurka oo ay dal-dasheen.

“Dadka dib bey usoo celinayaan lacagta” sarkaalka ma uusan sheegin inta ay dhan tahay lacagta lasoo celiyay.