Kulankii xaly ee madaxtooyada Berbera ku dhexmaray madxawyne biixi iyo sideed xildhiban oo labo guurtida yihiin,maxa kasoo baxay

0

 

Kulankii xalay ee Madaxwayne Muuse Biixi ee Berbera ku dhexmaray   8 Sideed Xildhiban oo labo Golaha Guurtida katirsan yihiin iyo wixii laga wada hadlay, Xildhibanadan aya si cad waxay ugusoo bandhigeen Madxawyne Muuse Biixi  qodabo nolasha aas aasiga ah khuseeya , waxana kamid ahaa  Laydhka Berbera oo ay tilmameen in xaladiisu aanay fiicnayn gacantan ugalay gancsato macash doon ah oo aan shacabka unaxayn ,iyagoo Madaxwaynaha usheegay xataa  qaybtii tTamarta soolarka  cadceeda laga dhaliyo  ee dawlada Imaradku ku cawisay Shacabka Berbera inaan qiimo kaga jabin ,

Waxaa kaloo xildhibanadan ay farta ugu fiiqeen Madaxweyne Muuse Biixi inuu aad uliito adeega caafimaadka ee Berbera iyagoo dhinacyao badan ka hoga tusaleeyay sida uu liito adeega caafimaad qalab iyo dhakhatiirba, waxany tusaale usoo qaateen in xaladaha deg dega ah bukaanada iyo dadka shilalka ku dhawacmaba loola cararo Hargeysa marka loo waayo daryeel Caafimaad oo Waxtar uleh, waxaanay ugu baqeen Madxwaynaha inuu wax ka qabto bahiyahaa dawladnimadu ku dhisantahay,

Dabcana Xildhibaanadan qaarkood ee  warka noosoo dusiyay cabashadii dad waynaha ee ay sideen una gudbiyeen Madxweyne Biixi ayaa naga codsaday inaana magacyadooda  la xusin, waxaanay  intaa ku dareen  in Arimaha kale ee xalay kala hadleen Madaxwayne Biixi ay kamidyihiin  cabashada geelayasha Berbera ee muruqmalka ah oo ay isfahmi laayihiin shirkada  laga kireeeyay  Dekada Berbera ee Dp World, iyadoo mudaba ay caabshdooda ay xukuumada iyo hay,adaha ay khusaysaba u gudbunayeen,

Xildhibanadan kasoo baxay Gobolka Saaxil ee Golaha Wakiilada oo lix ahaa iyo labo Xildhiban oo guurtida ah waxa kale oo ay kala  hadleen Madaxwayne Muuse Biixi isha dhaqale ee Hamaha Shidalka Berbera oo ay yidhahdeen Madaxwyne ishan dhaqaale ee Berbera kutaala waxooga shaqale ah oo ka shaqeeya mooyane  way ka xidhan tahay waxtarkii kale ee  laga kabi jiray  Haamaha shidalak sida caafimaadka Waxbarshada iyo iwm,

iyagoo Madaxwaynaha xasuusiyay in Xukuumadii ka horaysay ee Axmed Siilanyo maamuladii  joogay ay wax badan tari jireen bulshada Berbera taas oo ahyd wixii degaan ahaan ay xaq  ugu lahayeen Isha dhaqale ee hamah shidlka berbera, laakiin takuleentaasi ay Go,day intii uu xilka madaxwaynah qabtay