Kamiti: Sidey raggan ugu suuragashay in ay ka baxsadaan xabsiga sida wayn loo ilaaliyo?

0

Saddexda nin ee lagu eedeeyay in ay falal “argagixiso” ka gaysteen gudaha waddanka Kenya ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ee sida wayn loo ilaaliyo, ayaa la soo qabtay waxaana dib loogu celiyay xabsigii ay ka baxsadeen.

Wararka waxay sheegayaan inay bulukeetiyo ka bixiyeen gidaarka xabsiga sidaasna ay ku baxsadeen saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

Waxay adeegsadeen bir daxaleysatay oo la soo helay intii baaritaanka uu socday, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Saddexda nin ayey u suuragashay inay ka gudbaan saddex xayndaab oo ammaanka xabsiga lagu sugayay.

Habeenkii ay raggaas baxsanayeen waxaa la sheegay in ay dajiyeen hab sare oo ay ugu suurageli karto inay ku baxsadaan, iyadoo la soo tabiyay inay isticmaaleen bustayaal iyo xaaqinno kuwaas oo intay isku xirxireen ay ka samaysteen walax adag oo ay u adeegsadeen inay uga gudbaan laba darbi ee sarsare oo ku wareegsan xabsiga.

Raggan intii ay baxsadka ahaayeen, waxay maalintii ka dhuumanayeen indhaha dadka, waxayna soconayeen habeenkii, sida uu qoray wargeyska The Standarad ee kenya ka soo baxa. Taas ayaa u fududeysay in aan dhaqso la soo qabanin.

Dhanka kale saraakiisha dambibaarayaasha ayaa ku mashquulsanaa soo uruurinta xogta ku saabsan sida raggaas ay derbiga xabsiga uga bixin karaan bulukeetiga.

Dadka ayaa sidoo kale ka shakiyeen raggan oo ay ka dareemeen in ay “wareersanaayeen” oo ay jihada ka lunsanayd oo aanan ka war haynba halkii ay ku suganayeen.

Waxaa raggaasi markii dambe laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeday Soomaaliya.

Maxaabiistan baxsatay ee hadda dib lo soo qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukuman 41 sano oo xabsi ah, waxaana loo heystaa weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sannadkii 2012-kii ka dib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo laga soo qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana lagu eedeeyay in uu doonayay in Al-Shabaab uu ku biiro.

Raggaasi waxaa hadda dib loogu celiyay xabsigii ay maalma ka hor ka baxsadeen ee Kamiti, iyagoo indhaha u xiran yihiin.

Dhanka kale toddobo ka mid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray ka dib markii saddexdan maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Arbacadii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha ciidanka Asluubta, Wycliffe Ogallo. Wuxuuna magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Digniinta Wasiirka Amniga Gudaha Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya, Fred Matiangi, waxa uu dadka Kenya u sheegay in ay u dulqaataan ‘dhibaatada’ kaga iman karta tallaabooyinka ammaanka lagu adkeeyay ee laga fulinayo goobaha laga baxo ama laga soo galo dalka sida garoomada diyaaradaha ee Kenya iyo khadka tareenka ee Mombasa iyo Nairobi.

Isagoo ka hadlayay Xabsiga Kamiti ee aadka loo ilaaliyo ee ay ka baxsadeen saddexda nin ee dib loo soo qabtay, wuxuu sheegay in digtooni sare ay Kenya ku jirto, waxa uuse ku booriyay shacabka inay aad u feejignaadaan.