Maxay darantahay booqashad madxawyne biixi ku imanayo berbera,

0

Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lafilayaa Inuu maanta safar ku imanayo magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah Inuu xadhig ka jaro mashruuca dhismaha Madaarka Berbera oo dhamaaday iyadoo munaasibada xadhiga ka jarka la qaban doono maalinta  Sabtida ee 20ka bishan November, balse Madaxweynaha ayaa Berbera sii joogi doona maalmaha Khamiista iyo jimcaha labada habeen ee Madaxweyne Muuse Biixi Berbera joogo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato waayeelka iyo waxgaradka Gobolka Saaxil sidoo kale Waxa warar hoose ay sheegayaan in Madaxweyne Biixi laftiisi dalbaday in Waxgaradka iyo Waayeelka Gobolka Saaxil si furan oo aan soo xulid lahayn ay ula kulmo.

Mashruuca dhismaha madaarka berbera  ayaa waxa u maalgalisay dawladda Imaaradka Carabta waxaana heshiiska la gashay Xukuumadii hore ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo dhismihiisuna wuxu socday mudo sanooyin ah.

Hadaba Gobolka Saaxil Waxa uu kaga duwanan jiray Gobolada kale ee Dalka in wakhtiyada uu Madaxweynayaashu Berbera yimaadaan aanay si furan ula kulmi jirin  Waayeelka iyo waxgaradka Gobolka Saaxil  iyadoo inta badan aay dhacdo dad gaara in loo xulo madaxwaynaha kulmadiisa , waxase iminka la filaya booqashadan in aay ka duwanantoonto booqashooyinkii hore oo muxtarimka reer saaxil la filayo inay la kulmaan madaxwaynaha  si aay xaalada dhaqan dhaqaale ee bulshada reer saaxil uga war bixyan iyo tabshadoodaba,