Muxuu Abiy Axmed u daba dhigtay qamadiga mucaawinada ee Itoobiya?

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku anddacooday in dhibaatada ugu weyn ee heysato dalkiisa ay tahay ‘mucaawinada qamadiga ah’ ee la siiyo dalkaas.

“Dhibaatada heysatada Itoobiya waa mucaawinada qamadiga, gargaarka qamadiga ah waxaa ka dhashaa cudurro, haddii aan joojino, dhibaatooyin badan ayaa la xallinaya” ayuu yiri Abiy Axmed.

Su’aasha waxay tahay, Abiy maku saxsan yahay in mucaawinada qamadiga uu la xiriiriyo inay ka dhashaan cudurro iyo caqabadaha kale ee heysta Itoobiya?

Itoobiya waxay ku tiirsan tahay qamadiga laga soo saaro gudaha

Isticmaalka qamadiga ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo batay Itoobiya gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.

Haatan, Itoobiya waxay noqotay dalka ugu soo saarista badan qamadiga dalalka ka hooseeyo saxaraha Afrika inkasta oo xilliyadii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid wax soo saarka marka loo barbardhigo baahida jirta.

Itoobiya waxay wajaheysaa cunto yari iyo saameynta ka dhalatay abaaraha, malaayiin qof ayaa u baahan gargaar banii’aadanimo.

Si loo daboolo baahidan, Itoobiya waxay haatan soo dhoofsaneysaa qamadi badan, Mareykankana wuxuu Itoobiya gaarsiiyaa qamadi mucaawino ah.

Qamadiga laga keeno dibadda, ma waxaa ka dhashaa cudurro?

Abiy oo la hadlayay beeraleyda gobolka Oromada wuxuu sheegay in cudurro ay ka dhashaan qamadiga laga soo dhoofiyo dibadda.

Dhibaatada ugu weyn ee heysatada beeraleyda Itoobiya ayaa ah cudurro ku dhaca dalagga qamadiga kaas oo ka dhasha dabeysha.

Cudurkan wuxuu sanadkii 2010 si ba’an u saameeyay beeraha qamadiga ee Itoobiya taas oo hoos u dhigtay in ka badan boqolkiiba 15 wax soo saarkii dalagga qamadiga ee dalkaas.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017 ayaa muujineysaa in nooc kamid ah cudurrdan saameeyay beeraha qamadiga ee Itoobiya uu ka yimid dhinaca Yemen kaas oo khasaare xooggan gaarsiiyay beeraleyda.

Waxaa suurtgal ah in cudurrada ku dhaca dalagga beeraha uu dalka kusoo gali karo raashiinka gargaarka ee dibadda ka yimaado, sida uu sheegayo Wuletaw Tadesse Degu, oo ah khabiir ku takhasusay wax soo saarka qamadiga oo ka tirsan xarun caalami oo qabilsan cilmi baarista beeraha.

Cudurrada ku dhaca dalagga beeraha ayaa usoo gudbi karaa dalalka aanan si adag u baarin dalagga uga imaanayo dhinaca dibadda si loo hubiyo tayadooda.

“Waxaa jiraa warar sheegayo inta badan cudurrada ku dhaca dalagga beeraha iyo cayayaanka ee haatan saameeyay beeraleyda in laga keenay dibadda” ayuu yiri Wuletaw Tadesse Degu.

“Webiyadeena iyo harooyinkena, beeraheena iyo dhulkeena waxaa halis ku hayaa cowska aanan loo baahneyn kaas oo aan horey loogu arag Itoobiya”

Mid kamid ah beeraaha qamadiga ee ku yaalla Itoobiya

Khuburrada waxay BBC u sheegeen in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo dalag kasta oo laga keenayo dalka dibaddiisa si looga hortaggo cudurrada.

Guud ahaan caalamka waxaa laga hayaa dhacdooyin lala xiriira in cudurrada ku dhaca dalagyada in laga keenay dibaddaha, tusaale ahaan cudur saameeyay beeraleyda qamadiga wuxuu isaga tallaabay Mareykanka ilaa Bangaladesh, wuxuu markii dambe u gudbay dhinaca Zambia kadib markii qamadiga ay gaartay halkaas.

Hay’adda caalamiga ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa BBC u sheegtay “Mucaawinada uu Mareykanka bixiyo waxaa udub dhexaad in si adag loo hubiyo tayada raashiinka gargaarka ah iyadoo la raacayo habraayacda caalamiga ah ee hubinta tayada dalagga”

Dowladda Itoobiya, maxay ka tiri arrintani?

Waxaan dowladda Itoobiya wax ka weydinay faahfaahinta ku saabsan hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ku saabsan in qamadiga mucaawinada ah ay ka dhashaan cudurro.

Billene Seyoum, oo ah afhayeen u hadashay Ra’iisul Wasaaraha ayaa BBC u sheegtay in waxa uu ka hadlayay Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in dadweynaha aysan ku tiirsanaanin qamadiga mucaawinada ah balse ay diiradda saaraan wax soo saarka gudaha.

“Tusaale ahaan cudurka sokorta waxaa lala xiriiriyaa isticmaalka badan ee cuntooyinka Carbohydrates-ka ah, marka farriintiisa waxay aheyd in loo baahan yahay in la yareeyo mucaawinada si loo xoojiyo wax soo saarka dalagga dalkeena”

Itoobiya wax faahfaahin ah kama aysan bixin sababta dowladda ay u beegsaneyso qamadiga dibadda balse aysan wax dan ah ka laheyn tan gudaha maadama dalka uu inta badan ku tiirsan yahay qamadiga gudaha.

“Gargaarka mucaawinada ah wuxuu dib u dhac ku reebay inta badan shacabka Itoobiyaanka, markaa , waa in dadka Afrikaanka ay si wanaagsan u isticmaalaan kheyraadkoodka” ayay tiri Billene Seyoum.