Qaramada Midoobay oo hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka Tigray

0

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda bini’aadannimo ee ka sii daraysa gobolka Tigray ee Itoobiya ka dib markii ay sii korodhay colaadda ka taagan gobolka, oo bilaabatay ku dhawaad hal sano ka hor.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan nafaqo -darro halka kumannaan kalena u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen milatariga Itoobiya ayaa ku qasabtay duulimaadkii bini’aadanimo ee Qaramada Midoobey in joogsamaan.

Goor sii horaysay, dawladdu waxay sheegtay in xarun tababar oo ay adeegsadaan falaagada Tigraygu ay bartilmaameedsadeen – xilli TPLF dhankeeda beenisay.

Xaaladda ammaanka gobolka ayaa sii xumaanaysa. Tan iyo bishii June dagaalku wuxuu ku fiday gobollada Axmaarada iyo Canfarta oo ay ka barakaceen 1.2 milyan oo qof .

Toddoba milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar deg -deg ah waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in heerka nafaqo -xumadu ay sare u sii kacayso maalin kasta.