Masaajid Taariikhiya oo ku Yaalla Gobolka Amxaarada oo Tigraygu Burburiyeen+Arday madarisad Dhiganaysay oo ay xasuuqeen

0

Fallaago lalal xiriiriyay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa waxaa lagu eedeeyay inay burburiyeen masjid taariikhi ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Amxaarada, iyo dilka arday wax ka dhiganaysay madaraso lagu barto diinta Islaamka oo halkaas ku taal.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Fana, Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, ayaa sheegay in “argagixisada TPLF ay burburiyeen Masjid taariikhi ah oo ku yaal magaalada Zarema, ee waqooyiga Gondar, iyagoo la dhacay madaafiic culus”.

Warbaahinta Fana oo soo xiganaysa xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, Xaaji Maxamed Xasan, ayaa tilmaantay in xoghayuhu uu sheegay in “weerrarka uu qeexayo sida ururkaasi uu u sii wado falalka ka dhanka ah diinta ee qaybta ka ah sida ay doonayaan inay dalka ku burburiyaan”.

Waxay sheegeen in masjidkaasi uu boqolaal sano ku yaallay halkaasi.

Warbixintu waxa kale oo ay intaasi ku dartay in hogaamiyahaasi uu sheegay in fallaagadu ay madarasooyin ku laysay arday badan, caddayna ay u hayaan dhowr masjid iyo goobo diimeed oo uu sheegay inay TPLF burburisay.

Masjid ay “asxaabtii nabiga dhiseen” oo horay loogu burburiyay dagaalkii Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa ballan qadaday in ay dib u dhiseyso masjid qarniyo jiray oo horay lagu waxyeelleeyay dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku dhex maray milatariga federaalka iyo xoogagga TPLF.

Masjidkan oo lagu magacaabo al-Nejashi ayaa lagu soo warramay in madaafiic lagu garaacay, la bililiqeystay islamarkaana lagauwaxyeelleeyay qabuuro taariikhi ah oo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah asxaabtii nabi Muxammad NNKH.

Dowladda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa sheegtay in sidoo kale la dayac tiri doono kaniisad masaajidkaas u dhow oo iyaduna ku burburtay dagaalkii socday.

Dadka deegaanka ayaa aaminsan in masaajidka al-Nejashi ay dhiseen Muslimiintii ugu horreysay ee usoo haajirtay Afrika xilligii Nabi muxammad, nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,Dadka deegaanka waxay aaminsan yihiin in masjidkan oo lagu magacaabo al-Nejashi Mosque uu yahay kan ugu da’da weyn Afrika

Asxaabtii kasoo carartay dhibaatadii ku heysatay magaalada Maka ayaa waxaa magangalyo xilligaas siiyay boqortooyadii loo yaqaannay Aksum.

Bulshada ku nool deegaankaas ayaa aaminsan in qabuuraha la waxyeelleeyay ay ku aasan yihiin 15 ka mid ah asxaabtii nabiga NNKH.

Waxay sidoo kale sheegeen in masjidkan uu yahay kii ugu horreeyay ee abid laga dhiso qaaradda Afrika, inkastoo dad kale ay rumeysan yihiin in masaajidka ugu da’da weyn qaaradda uu yahay mid ku yaalla dalka Masar.

Masaajidkan ayaa ku yaalla magaalada Wukro, oo qiyaastii 800km (500 meyl) u jirta caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Kaniisadda la burburiyay ayaan wax faahfaahin ah laga heynin.

Hay’ad laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa sanadkii 2015-kii billowday mashruuc lagu dayactirayay masaajidkan, waxayna mas’uuliyiinta hay’addaas sheegeen in ujeeddadoodu ay tahay sidii ay u nooleyn lahaayeen masjidkaas taariikhiga ah. Waxaa kale oo ay doonayeen in uu noqdo meel ay dalxiis ugu imaadaan dadka muslimiinta ah.

Qoraalka sawirka,Masjidka ayaa waxaa lagu dayactiray dhaqaale uu Turkigu bixiyay

Masjidka iyo kaniisaddaba waxay dhibbaneyaal u noqdeen dagaalkii muddada bisha ah socday ee u dhaxeeyay ciidanka federaalka iyo maleyshiyaadka ka amar qaata xisbiga TPLF ee gobolka Tigray, kuwaasoo awoodda gobolka laga afgambiyay 28-kii bishii November.