Labo bilood ayaan lugeynayay ,qaarado ayaan isaga tallaabay si aan Mareykanka u gaaro’

0
Muhaajiriin ku sugan Del Rio

“Hooyo, hadda xor ayaan ahay, waan fiicanahay,” ayuu yiri tahriibe reer Haiti ah ku leeyahay taleefoonka ka dib markii loo oggolaaday inuu sharci ku galo Mareykanka.

Wuxuu sugayaa in hoy laga siiyo Del Rio, oo ah magaalo yar oo ku taal xadka Mexico taas oo ay buux dhaafiyeen muhaajiriinta Haiti toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa gacanta bidix ku haysta taleefoonka gacanta si uu ula hadlo hooyadiis.

Wiilkan ayaa waxaa xiray booliiska dib ayaana loo soo celiyay oo imika waa xor.

Waa 8.30 subaxnimo maalin Talaadado ah, 21-ka Sebtember, waxaana goobta yimid Saddex gaari oo ay booliiska wateen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ayaa soo baxaya, albaabka ayuu furay waxaana mid mid, u soo baxay muhaajiriin lagu hayay xarumo kala duwan oo magaalada ku yaal oo isugu jira ragga, haweenka iyo carruurta.

“Soo dhowow, fadlan saf gala,” ayuu yiri mid ka mid ah mutadawiciinta, qof walbana wuxuu bilaabaa inuu safto albaabka hoyga Xarunta Bani’aadamnimada ee Xuduuda Val Verde.

Waxay dareemaan nasiib, codsigooda magangalyo ee Mareykanka ayaa waxaa bilaaban kara in laga baaraandego, isla markaasna, waxay haystaan oggolaansho ay dalka ku joogaan.

Waxay aad uga nasiib badnaayeen boqollaal qof oo kale oo reer Haiti ah oo la xiray dib-na loo masaafuriyey.