Weftiyo ka socda Dalalka Sacuudiga & Qatar oo soo gaadhey Hargeisa

0
Weftiyo ka socda Dalalka Sacuudiga & Qatar oo soo gaadhey Hargeisa+Xoggo ku saabsan Safarkooda

Laba Wafti Oo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Boqortooyada Sucuudiga Ayaa Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Soo Gaadhay Caasimada Somaliland Ee hargaysa Kuwaasi Oo Aan la Shaacin socdaal ay ku yimaadeen Somaliland Iyo wax uu daarnaa,

Safiirka dalka qadar ufadhiya magaalada muqdisho ayaa kulamo La qaatay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo wasiirka Arimaha gudaha, wallow aan la shaacin ujeedada safarkooda Iyo Waxyaabahaay kawada hadleen Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Sidoo kale Xogaha ay Warbaahintu ka  Heshay waftiga ka socda dalka qadar ee uu hogaaminayo safiirka ufadhiya somaliya  ayaa sheegaya in xukuumada Somaliland ka cudur daaratay kulan uu doonayay in uu la yeeshay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi iyagoo magaalada hargaysa ku sugnaa sedex cisho taasi oo waji gabax ku noqotay waftigan in ay usuurto gali waydo kulan ay doonayeen in al yeesheen madaxwayne biixi, waftigan oo ayaa sida xogaha aanu helaynaa tibaaxeen ayaa maanta ka dhoofay madaarka caasimada hargaysa ee cigaal international.

Dawlada qadar ayaa iyadu  hirgalinin balamo ay hore ula xukuumada Somaliland oo ahaa in ay magaalada hargaysa  xafiis ka furato ay leedahay haayada mucaawinooyinka dawlada qadar ee bisha cas, waana arimaha sobobay in madaxwaynaha Somaliland ka cudur daarto kulan ay doonayeen in ay la yeesheen,

Dawlada Qadar ayaa iyagu siwayn utaageera maamulka Somaliya, halka aanay Somaliland ku lahayn wax saamaynta iyo xidhiidh toos ahba.

Dhanka kale wafti ka socday boqortooyada sucuudi arabiya oo Uu hogaaminayo safiirka dalka sucuudiga ufadhiya magaalada Nariobi Ee Dalka Kenya ayaa laba cisho ku sugnaa caasimada Somaliland ee hargaysa kuwaasi oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay wasiiro katirsan xukuumada Somaliland iyo madaxda dalka Somaliland ujooga haayada salmaan foundation oo sanadihii udanbeeyay mucaawinooyin raashin ah soo gaadhsiinaysay shacabka Somaliland gaar ahaa dadka danyarta ee degen xaafadaha barakacayaasha ee magaalada hargaysa iyo gobolada Somaliland,

Maaha markii uhoraysay ee Somaliland ay soo gaadhaan waftiyo ka socda wadamo carbeed oo siyaasiyan iska soo horjeeda!