ceelka cadaabta oo koox khuburo ahi gunta sootaabatey

0

Khuburro ka socotay dalka Cummaan ayaa markii ugu horreysay gudaha u gashay “Ceelka Cadaabta”-oo ah god ku yaalla meel ka durugsan dhulka lama -dagaanka ah ee bariga fog ee Yemen.

Kooxda ka socotay Cummaan ayaa gudaha ceelka kusoo arkay masas iyo raqda xoolaha.

Ceelka Barhout wuxuu ku yaallaa lamadegaanka Yemen, oo u dhow soohdinta uu la leeyahay Cumaan. Wuxuu ku yaallaa gobolka Al-Mahra wuxuuna ballaciisu yahay 100 fiit waxaana loo malaynayaa inuu hoos u qodan yahay 330 fiit, laakiin waxaa jira kuwa ku doodaya inuu ka dheer yahay 820 fiit.

Mana jira Qof weligiis gaaray gunta hoose ee ‘ceelka cadaabta’ marka laga reebo kooxda hadda gudaha u gashay.

Godka wuxuu aad ugu caanbaxay mala -awaalka dadweynaha ay ka sameeyeen, sida in uu Jinni daggan yahay godkaasi.