Aabe dacwad ku furay macalin timaha ka jaray gabadhiisa

0

The row began after a fellow student cut Jurnee Hoffmeyer’s hair while on a school bus, her father said

Aabaha dhalay gabar yar oo toddoba jir ah oo uu macallin timuhu ka jaray isagoon fasax ka heysan waalidiinteeda ayaa dacweeyay iskuulka iyo laba ka mid ah shaqaalah isuulkaasi wuxuuna dalbaday lacag magdhow ah oo dhan 1 milyan oo doollar

Eedeynta Jimmy Hoffmeyer ayaa sheegaysa in la duudsiiyay xuquuqda dastuuriga ah ee gabadhiisa oo uu hadda kala baxay iskuulka.

Baaritaan uu sameeyay Iskuulka ayaa soo gebogeboobay bishii July, in kasta oo ay macallimaddu jebisay xeerka Iskuulka haddana ma aysan sameyn eex midab takoor la xiriira.

Waa la canaantay macallimadda, balse waxaa loo oggolaaday inay shaqadeeda ka sii wadato Dugsiga Hoose ee Ganiard ee ku yaalla Mount Pleasant.

Jimmy Hoffmeyer ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay bishii Abriil ee la soo dhaafay in gabadhiisa Jurnee ay hal maalin ka soo laabatay iskuulka iyada oo timo badan dhinac ka mid ah madaxa laga jaray. ”Arday ay isku fasal ahaayeen ayaa maqas u isticmaalay si uu uga jaro timaha dhaadheer ee Jurnee iyagoo baska iskuulka saaran”, ayuu yidhi.