Yaa madax ka ah, kana mid ah dowladda cusub ee Afghanistan?

0

Mullah Maxamed Xasan Akhund ayaa loo magacaabay Ra’isulwasaaraha KMG ah ee Afghanistan

Ururka taalibaan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay dowlad cusub oo ay ugu magac dareen dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan , waxaana dowladdan madax looga dhigay Mullah Maxamed Xasan Akhund.

Mullah Maxamed waxa uu ka mid yahay asaaseyaashii ururka Dhaalibaan, waxaana ku xigeen looga dhigay Mullah Abdul Ghani Baradar oo isna wax ka asaasay ururka. Mullah Cabdisalaan Xanafi ayaa isna la dhigay ku xigeenka labaad ee dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Imaaradda Islaamka Afghanistan ayaa loo magacaabay nin ku jira liiska dadka ay FBI-da doondoonayso oo magaciisu yahay Sirajudiin Xaqani oo madax ka ah ururka Shabakadda Xaqaani ee ka dhisan Pakistan iyo Afghanistan.

Warkan waxaa shir jaraa’id ka shaaciyay afhayeenka ururka Sabixulaah Mujaahid, isaga oo intaas ku daray in ururka uu ka jawaabay rabitaankii shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Taalibaan Sabiixullaah Mujaahid oo shir jaraa’id ka hadlaya

Dadka kale ee dowladda cusub ku jira waxaa ka mid ah Mullah Yaquub oo loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga , waana wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Taalibaan Mullah Cumar.

Markii ay BBC-da weeydiisay sababta aanan wax dumar ah loogu soo darin dowladda cusub, ayuu sarkaal lagu magacaabo Axmadullaahi Wasiq uu BBC-da u sheegay in weli aanan la dhamaystirin dhismaha xukuumadda.