Hankii Siyaasada ee Mulkiilaha Horn Cable Tv Farxaan xaji cali oo Debada yimid Xili Degaankiisa Loo oomana siyaasi Ildheer,

0

Berbera[Biyoguure News] Ganacsadaha  Mulkiilaha Horn cable Tv Farxaan xaaji Cali ayaa la filayaa in uu dhawaan  shaciyo hamigiisa ku biirista madsha siyasada Somaliland oo mudaba uu   il qoodha kala socday  qaan gaadhna ku noqday badwaynta  siyaasada  Somaliland iyo ta geeska Afrikaba,

Hadaba hantiilahan  Aqoonyahan ka ah  siyaasadana  isha ka buuxsaday una bislaadey   gaadheyna waqtigii uu ku biiri lahaa siyaasada Somaliland iyo maamulkeedaba waxa illo xog ogaal ihi sheegayan in uu maalinta khamiista ah  ee fooda inagu soo haysa uu madal an siyaasi ka maqneyn uu bulka ku tuuri doono  halkaana uu ka cadeyn doono  hankiisa  siyaasiga ah,

Dabcana waxa illo ku dhow dhow  Aqoonyahan farxan xaji cali  ay sheegeen in  uu Urur ku hanwaeyn yahey in uu furto hadii la furo ururada siyaaasad  isla markaana  uu kalsooni weyn ku qabo bulshada reer Somaliland  in ay garab istaagi doonan , waxase hubaal ah in xisbiyada hada jira ee ucid, Kulmiye iyo wadani mid walba jeclaan lahaa  in uu xisbigooda ka mid noqdo waayo Jaanis badan ayuu haystaa Farxan Xaaji Cali  oo ah degaanka uukasoo jeedo ee saaxil oo xiligan u Ooman hogaamiye Siyaseed  oo Aragti fog leh shaxda iyo cayaarta siyaasadna fahan  dheer uleh,

Sidoo kale Xiligan Shaacinta hankiis Aqoonyahan ganacsade farxaan xaaji cali Wuxuu kusoo beegmay  waqti ay socdaan abaabul shirweyne oo Reer Saaxil fooda isku dari doonan isla xisaabtan beesha gudaheeda ahina dhici doono maadama shirweyne ay ku kulman ay ugu danbeysay shirkii DAN  iyo DUCO ee ka qabsoomay  Degaanka Dubur ee Degmada sheikh mudo toban sano ku dhow ka hor ,waxaana dad Badan oo reer saaxil ahi falan qaynayeen malmhan  shirkan boodhka lagaga tumi doono  Ururkii Dan iyo Duco ee Reer Saaxil lahayeen oo mudaba Banjar ahaa,

Hadaba Farxan Xaaji cali wa Mulkiilaha  TV,ga  ugu da,da weyn warbahinta muuqqllka  tebisa ee Afka soomaliga ku hadasha[Horn Cable Tv] wuxuuna shaqsiyan  kamid yahey dhalinyardii horaantii sagashameedyada dalka dib ugusoo laabtay  kana yimid dalwaynaha mareykanka  oo uu janisyo badan ku haystay waxaanu kadoor biday dalkiisa  bur burku ku dhacey in uu ka qayb qaato dibu dhiskiisa waanu fuliyay,