Maxay R/wasare Rooble iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya ka wada hadleen

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskii ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo ayaa shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, si uu booqasho ugu tego caasimada dalkaas ee Nairobi.

Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib-u-hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labadani dal oo muddo bilo ah uu khilaaf ba’an u dhaxeeyay.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.Ra’iisulwasaare Maxamed Xuuseen Rooble iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay caleemaasaarka madaxweynaha Jabuuti, kulankaa oo la sheegay in ay ka wada-hadleen hagaajinta xiriirka labada dal.

Waxaana la rumeysan yahay in ay markale ku kulmeen magaalada London intii uu socday shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada.

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa ku soo beegmayo xilli madaxtooyada Soomaaliya ay xalay xeer madaxweyne ku hakisay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu go’aansaday xeerkaasi maadaama heshiisyada noocaasi ah ay taabanayaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ujeedda digreetadaasi ku sheegay in uu ku “tixgelinayo hannaanka doorashooyinka dalka ee la guda-galay iyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.”

“Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Qoraalkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay “waxaa reebban ilaa doorashada kaddib, in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.”

Xeerkaasi madaxweyne ayaa sidoo kale mamnuucaya in la bixiyo hantida danta guud, lana saxiixo heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud ee dalka.

Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December 2020 ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisadda labada dal u dhaxeeysa oo muddo dheer soo taagnayd.

Waxaa arrintan xuddun u ah muran dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo haatan dacwaddooda ay gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana khilaafka u dhaxeeya labadani dal ee deriska ah uu soo maray marxalado kala geddisan.