Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo xabsiga laga sii daaynayo

0

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa Talaadada nagu soo aadan laga sii daayn doona xabsiga si uu uga soo hormuuqdo maxkamadda dhageysan doono dacwadda musuq maasuq ee loo heysto.

Go’aankan kasoo baxay maxkamadda ayaa imaanaya toddobaadyo uun kadib markii in ka badan 300 qof ay ku dhinteen rabshadihii ka dhashay xiritaanka Zuma.

Waxaana lagu wadaa in la xoojiyo amniga dalkaas xilli ay u muuqato in taageerayaasha Zuma ay isugu uruuri doonaan maxkamadda ku taalla magaalada Pietermaritzburg – waana magaalo ay si weyn ay u saameeyeen rabshadhihii iyo boobkii laga geystay halkaas.