Maxay ahaayeen 8-da Misaajid ee Qaramada Midoobay ku baaqday in la ilaaliyo?

0

Siddeed misaajid oo ku yaalla waqooyiga dalka Ivory Coast, ayay hay’adda Qaramada Midoobey ee tacliinta hiddaha iyo dhaqanka ee Unesco u aqoonsatay in ay yihiin misaajidu qadiimi ah oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Masaajidadan ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid yihiin goobaha dhaxal-reebka adduunka.

Misaajidadan ayaa la rumeysa yahay in la dhisay xilligii boqortooyadii Mali 7 qarni ka hor.

Dhismooyiinkan ” ayaa ah astaan muhiim ah oo muujinaysa ganacsiyadii ka socday dhulka saxaaraha, ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaray hay’adda dhaqanka ee Unesco.

Misaajidadan ayaa ku yaalla magaalooyiinka Tengréla, Kouto, Sorobango, Samatiguila, M’Bengué, Kong iyo Kaouara.

Misaajidadan ayaa ah sida ay sheegtay hay’adda “20 misaajid oo si wayn loo ilaaliyay oo ku yaalla dalka Ivory Coast,.

Hay’adda Unesco ayaa intaa ku dartay in boqollaal misaajid ay ku yaalaan halkaasi kuwaasi oo jiray tan iyo horraantii qarnigii tagay.

Aqoonsigan ay hay’adda aqoonsatay masaajidadan qadiimigaah ah ayaa waxay ka dhigan tahay in ay yeelan doonaan qiimo dhanka dhaqanka ah islamarka si gaar ah loo ilaalin dono.

Hay’adda Qarmada midow ee taclinta hiddaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ay si gaar ah mar walba isha ugu haysaa aasaarta qadiimiga ah ee dhaqan iyo hiiddo ee ay tahay in la ilaaliyo.

Guddiga hay’adda Qarmada midow ee taclinta hiddaha iyo dhaqanka ayaa soo saaray liiska misaajidadan ku yaala dalka Ivory Coast.

8 misaajid ee ay hay’adu aqonsatay ayaa qeyb ka ahaa liiska 13 goobood oo dhaqan ahaan qadiimi ah.

Goobaha liiska ku jira ayaa ku kala yaala Afrika, eeshiya, dalalka Carabta, Latin Amerika iyo Yurub.

Jomon Era archeological sites oo ah goob ku taalla waqooyiga Japan ayaa ka mdi ah goobaha loo aqoonsaday in dhaqan ahaan ay muhiimad gaar ah leeyihiin.

4 ka mid ah liiska goobaha dhaqan ahaanka muhiimka ah ee ay soo saartay hay’adda Unesco ayaa waxay ku yaalaan Latin America.