Wafti jabuutiyaan ah oo Hargaysa Lagusoo dhaweeyay

0

Wasiira warfaafinta somaliland oo ay Weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Gudoomiyaha xarunta dhaqanka hargaysa iyo safiirka jabuuti ufadhiya hargaysa

ayaa madaar cigaal International Airport kusoo dhaweeyay wafti ka socda dalka jabuuti oo ah hogaaminayso wasiirka ciyaaraha iyo dhaqanka dalka jabuuti marwo Hibo Muumin.Wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka waftigan ka socda dalka jabuuti oo magaalada hargaysa kaga qaybgali doona bandhiga buugaagta caalamiga ah.

Dhanka wasiirka ciyaaraha iyo dhaqanka jabuuti ayaa ka mahad celisay soo dhawayntan iyadoo sharaxday ujeedada socdaalkeeda iyo xubnaha kale ee ku weheliya.