Dalka Imaaraatka Carabta oo si rasmi ah Safaarad uga furtay dalka Israa’iil

0

Imaaraatka ayaa si rasmi ah u daahfuray saafaraddiisa Israa’iil, waa tallaabadii ugu dambaysay ee la xidhiidha heeshiiska isku soo dhowaanshaha ee uu sanadkii hore uu gadhwadeenka ka ahaa Maraykanku.

Safaaraddan ayaa waxa la furay dhisme cusub oo ku yaala caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv.Safaaraddan ayaa noqonaysa midii saddexaad ee uu dal Carab ah leeyahay iyada oo ay ka soo horreeyeen Masar iyo Urdun.

Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xidhiidhka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmaraya dabayaaqadii sanadkii hore kaddib markii ay gaadheen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xidhiidhkooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa xilligaasi si toos ah u bilaabay xidhiidh dhanka taleefoonka ah.