Saxarla Cabdullaahi: Gabadhii ugu horraysay ee Soomaali ah ee Addis Ababa xildhibaan ka noqota

0
Saxarla Cabdullaahi Bahdoon

Saxarla Cabdullaahi Bahdoon, wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya ayaa inta la og yahay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa.

Waxa ay ku soo baxday xildhibaanka xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidhka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF.

Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.

Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay.

Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba.

Waxa ay xiriiriye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba.

Dhanka kale waxa ay Saxarla wax ka qabatay oo ay horumarisay barnaamijyada nadaafadda iyo fayadhowrka bulshada iyadoo horumarisay caafimaadka iyo tallaabooyinka loogaga hortagi karo cudurrada.

Taariikhdeeda siyaasadda

2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan.

Shantii sanadood ee ay ka tirsanayd baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, Saxarla waxa ay aheyd gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika.

2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi.