Siduu u dhacay dilka ardaygii jaamacda camuud

0

Waxaa lagu wadaa in maanta la aaso Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday dhiganayay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, oo xalay uu askari ku dhex dilay gudaha jaamacadda.

Dhacdadan oo ay dakdu aad iskula dhex marayeen, ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii ardaygaasi uu isku dayay inuu helo telefoonkiisa gacanta oo uu jaamacadda ku dhex ilaabay.

Mid ka mid ah askarta ilaalinayay ayaa u diiday inuu jaaacadda galo, kaddib muran dhex maray ayaa sababay in askariga uu rasaas ku furo ardaygaasi.

Sida uu BBC-da u sheegay duqa magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame, toogashada ayaa ka dhacday irridda hore ee laga galo jaamacadda oo uu ku sugnaa askariga wax toogtay. Askariga oo ka tirsanaa booliiska Somaliland ayaa la sheegay in uu hadda xiranyahay.

Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay in Ibraahim uu xirnaa dhar u midab eg kan calanka Soomaaliya, sidaasna ay sababtay in la dilo.

Balse Diiriye Maxamuud Jaamac, oo ah madaxweyne ku xigeenka xiriirka bulshada ee Jaamacadda Camuud, ee magaalada Boorama ayaa BBC-da u sheegay inaysan jirin arrintaas. Wuxuuse sheegay inay jirto xiisad kale oo ku saabsan in ardayda dugsiyasa sare ee magaalada Boorama qaarkood ay 26-kii June baraha bulshada soo dhigeen arday ku lebisan calanka Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inay yihiin kuwa Jaamacadda Camuud. Wuxuu qirey in aysan wax xiriir ah ka dhaxaynin dilka Ibraahim iyo arrinta calanka.

“Booliis badan ayaa magaalada la keenay, marka xiisadda calanka ayaa ka jirtay gudaha Jaamacadda,” ayuu yiri.

“Siyaasad kale ma jirto aan ka ahayn inuu telefoon ku soo ilaabay jaamacadda, inuu xitaa Puntland ka soo jeedo cidna ma ogeyn, ee waan galayaa iyo ma galeysid unbaa la isku qabtay.” Ayuu yiri Diiriye.

Sidoo kale duqa magaalada Boorama ayaa beeniyay arrintaas, “Xaqiiqda meesha ka jirtaa waa arday moobil ku soo ilaaway jaamacadda, wax calan ah iyo wax hawshaasi quseeyana maba ahayn.”

Ibraahim Cabdishakuur oo ku jira da’da 20-aad wuxuu dhiganayay fasalka labaad ee kuliyadda injineeriyadda, ee Jaamacadda Camuud, isagoo baranayay cilmiga kheyraadka Biyaha.

Shalay ayuu galay imtixaanka looga gudbo fasalkaas, wuxuuna ahaa arday aad u dadaal badan, oo doonayay inuu noqdo injineer, marka uu jaamacadda dhammeeyo.